Xukuumada Somalia Ma Tahay Mid ka Hor tagi karta Cudurka Ebola?
Muqdisho 11.Aug 2014 (SDN/QJ)- Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay waddo qorshe looga hor tagayo halista cudurka dilaaga ah ee Ebola oo ay la il daran yihiin waddammo ka tirsan qaaradda Afrika.
Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku howllan tahay sidii looga hor tagi lahaa in cudurku soo gaaro dalka.
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in iyada oo la xaddidayo isu socodka Soomaaliya iyo waddammada uu ka jiro cudurka la hakiyey ciidan ka socda dalka Serie lione, oo Soomaaliya u imaan lahaa in ay ku biiraan howl-galka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.
Ridwaan ayaa tilmaamay in dowladdu qaadayso tallaabo kasta oo Soomaaliya ku noqonayso dal ka bad-baada khatarta cudurka, loona baahan yahay in bulshadu ka qaadato kaalinta uga aaddaan qorshahaas.
Cudurka Ebola oo ah dilaa u faafa deg-deg ayaa ku fiday dalalka Seralion, Geni, Naigeria, Leiberia iyo kuwo kale oo dhaca gobolka galbeed ee qaaradda Afrika.
Cudurka oo galaaftay noloshii boqollaal qof oo ku noolaa dalalkaas ayaan illaa iyo hadda lagu guulaysan in loo helo dawo iyo talaal looga hortago toona.
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com