|

R. W Cabdiwali: “Waxaa murugo ah in warbaahinta caalamka laga daawado hooyooyin iyo carruur Soomaaliyeed oo gaajo u dhimanaya”

Muqdisho, August, 10, 2014….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa fariin ku aadan abaaraha iyo biyo la’aanta ku dhufatay qeybo kamid ah gobollada dalka u diray bulshada Soomaaliyeed ee wax haysata gaar ahaan qurbe-joogta iyo ganacsatada.

Mudane Cabdiweli Sh. Axmed ayaa ku booriyay dadka Soomaaliyeed ee wax haysta iyo kuwa qurbaha jira in ay la yimaadaan karti iyo door ku aadan sidii ay kaalin mug leh uga qaadan lahaayeen xal u helidda macaluusha iyo abaaraha ka jira qeybo kamid ah gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo arrimahaasi ka hadlayay ayaa yiri.

“Waxaa murugo leh, in dalkeenna iyo dadkeenna, markii la joogo dhowr sano ay abaar iyo biyo la’aani ku habsato. Waa murugo sannad walba, in warbaahinta dunida laga daawado hooyooyin iyo carruur Soomaaliyeed oo gaajo la il daran ama u dhimanaya. Walaalleyaal, hadaan la sugno bulshadeena gar gaar shisheeye waxaa dhici karta in dhibku intaan ka sii darnaado, waxaa lagama maarmaan ah inaan fahamno, garawsanno una istaagno, inaan isku tashanno oo aan ka maaranno gar-gaar shisheeye”

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo sii hadlayay ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan sidii ay gurmad deg-deg ah ugu fidin lahaayeen dadkooda dhiban isla markaana aysan ku halayn gurmad ka yimaada caalamka.

“Ma waxaan awoodi waynay inaan isku aragti ka noqonno isku meelna uga soo wada jeesanno sidaan ummaddeenna jahliga, baahida, biyo la’aanta, baryada iyo gacan hoorsiga caalamka uga maarmi lahayn, taas oo dhaawacaysa sharafteena iyo qarannimadeena. Waxaan si gaar ah ula hadlayaa maanta qurbe-joogta Soomaaliyeed iyo Ganacsatada iyo inta wax haysata inaad xil gaar ah iska saartaan walaalihiinna Soomaaliyeed oo dhibaatadu ku habsatay, nolol xumada iyo murugadana la il daran”

“Ha sugina inta ay dhacayso dhimasho la mid ah tii dhacday 2011. Taas oo markii aad ka aragteen geerrida dhacaysa shaashadaha caalamka aad u soo gurmateen, ha sugin hana ku fakarin in gacan shisheeye ay keento gurmad deg deg ah, Adduun iyo aakhiraba waxaad sharaf ku leedihiin inaad walaalihiin usoo gurmataan inaad dhallaanka, hooyooyinka iyo odayaasha Soomaaliyeed maanta iyo maalin dambeba ka badbaadisaan dhibaatooyinka is kaashaday.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa yiri “Waxaan isi xushmad iyo sharafba xambaarsan idiinka codsanaya inaad walaalihiin si hufnaan iyo geesinimo leh ugu soo gurmataan maanta”

Comments are closed