Urur caalemi ah oo u dooda Xuquuqda Suxuufiyiinta oo fartay xukuumada Jabuuti in ay siideyso Weriye ay xabsiga dhigtay
NY Aug 10,2014(SDN/QJ)-Ururka suxuufiyiinta aan xadka laheyn ayaa dawlada Jabuuti faray in si degdega oo shuruud la’aan ah u sii deyso suxuufi Maxamed Ibrahim Waceys oo ay ciidamada amaanka Jabuuti xabsiga dhigeen.
Ciidamada ayaa wariyaha ka qabtay isu soo bax shalay ka dhacay magaalada Belbela ooay isku soo duba rideen dalada mucaaaridka Jabuuti ee USN.
Reporters Without Borders ayaa sheegay in wariyaha la qabtay xili uu ku guddo jiray hawlmaal meedkiisa isla markaana uu duubayay banaanbaxa.
“Waxaanu dalbaneynaa siideynta wariye Maxamed Ibrahim Waceys oo si gaar ah loo bartilmaansaday” ayaa lagu yiri qoraalka Reporters without borders.
Weriye Maxamed Ibrahim Waceys ayaaney aheyn markii u horeysay ee ay xukuumada Jabuuti xabsiga dhigto.
“Wacys ayaa bilo hore ugu jiray xabsiga Gabood sanadii 2011kii isaga oo dhawr maalmood oo kalena xabsigaa la dhigay December 2013kii” ayaa algu yiri qoraalka RWB.
Jabuuti ayaa ka mida dalalka la caburiyo suxuufiyiinta ka warama ama dhaliila xukuumadaha aan dhawrin xuquuqada aasaasiga ah ee xoriyatul qowlka.
SDN/QJ-NY