Dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN oo banaabax weyn ku qabtay degaanka Belbela
Belbela Aug 10,2014(SDN/QJ)-Dalada mucaaridka Jabuuti ku bahoobey ee USN ayaa magaalada Belbela ee dalkaas ku qabtay isu soo bax balaaran oo lagu diidan yahay hanaanka hogaan ee madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle.
Isu sooxan balaaran ayaa waxa lagu soo bandhigay shucuurta shicobka reer Jabuuti eek a niyad jabay hogaanka siyaasadeed ee dalkaasi.
Dhalinta reer Jabuuti ayaa si gaar ah u muujiyay walaaca ay ka qabaan mustaqbal xumada dalka iyo dhalinta dalka u kaceysa.
Ciidamada amaanka ayaa Iyana halkaa ku sugnaa iskuna deyay in ay kala eryaan shacabka sida nabedgelyada ku dheehan tahay u muujinayay diidmada hogaan xumada xukuumada dalka ka arimisa.
Isu soo baxyada ayaa imanaya xili uu madaxweyne Geelle dalka Mareykanka booqasho ku joogo isla markaana caalamka uga dhaadhicinayo iyo Jabuuti ay ka jirto xoriyadaha asaasiga ah.
Magaalada Belbela ayaa ka mida degaanada sida weyn looga taageero isbedel siyaasadeed oo dalkaas sal dhigta.
SDN/QJ-Belbela