|

Xubin sare Oo Alshabaab Ka Tirsan Oo Xalay Muqdisho Lagu Dilay

Muqdisho:Aug,10,2014(SDN/QJ)-Badhtamaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, waxa xalay  lagu toogtay sarkaal sare oo ka tirsan Koooxda Al-shabaab.

secretSarkaalka ka tirsan alshabaab ee xalay la dilay, ayaa magaciisa lagu sheegay Nuur Baraxow, waxana uu xarakada u qaabilsanaa dhinaca Sirdoonka iyo xuuraanka wararka hoose.

Xilli Nuur Baraxow uu ku sugnaa dhisme ku yaala Degmada Heliwaa, ayaa waxaa ka war helay laamaha ammaanka ee Dowladda Somaliya, iyagoona isku hareereeyay dhismihii uu ku sugnaa.

Ciidamada ammaanka oo isku gadaamay dhismihii uu ku sugnaa ninkaasi, ayaa waxay u bandhigeen in uu isa soo dhiibo, hase ahaatee waa uu ka dhego fureystay, sidaana waa lagu dilay.

Radio Muqdisho oo ku hadla afka Dowladda Somaliya, ayaa waxaa laga baahiyay in uu guuleystay hawlgalkii xalay laga fuliyay agagaaraha Isgoyska SOS, laguna dilay ninka lagu magacaabi jiray Nuur Baraxow.

Arrintan ayaa waxay ku soo aadeysaa, xilli muddooyinkan dambe Magaalada Muqdisho lagu tooganaayay ragga ka midka ah Al Shabaab.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com     

Comments are closed