Somaliland Oo Ka Jawaabtay Habkii uu Xasan Sheekh U Macneeyey Wada-hadalka Labada Dhinac
Somaliland:Aug,10,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda madaweyne Siilaanyo, ayaa la sheegayaa inay dhibsatay Hadal uu madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay Magaalada Washington oo la xidhiidhay hannaanka wada Hadalka labada dhinac uga socday Dalka Turkiga iyo ujeeddada laga leeyahay.
Madaxweyne Xassan Sheekh oo Khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay machad Maraykan, ayaa waxa uu soo hadal qaaday wada-hadalada qabyada u ah Dowladaha Somaliland iyo somalia, waxa uuna sheegay inaanu istaagi doonin wada hadalku.
Xassan Sheekh ayaa waxa inta uu Khudbada jeedinaayay sheegay in wada-hadalada kala dhexeeya Somaliland ay tahay mid looga arrinsanaayo Midnimada Dalka Somalia, waxaana hadalkaasi ka cadhootay XukuumaddaMadaxweynaha Axmed Siilaanyo, iyadoo madaxweynuhu oo sheegay in Xassan Sheekh uu wada-hadalka u weeciyay sida uu jecelyahay, waxaanu tilmaamay in ujeedada wada hadaladu tahay soo celinta midnimadii burburtay ee Somaliya.
“Midnimada wadanka Somalia waa ahmiyadayda koowaad, waxaana bilaabay markii aan xafiiska imidba.” Ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale, Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in go’aankiisu yahay inaan la joojin wada hadalada uga socda wadanka Turkiga, kuwaas oo uu sheegay in marka wax kale laga tago ay dhaleen in la wada hadlo taas oo uu tilmaamay inaanay laba sanadood ka hor dhici jirin.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa dhankiisa ka cambaareeyay hadalka Madaxweyne Xassan, waxa uuna Tilmaamay in Ujeedka shirarka Ankara aanay aheyn inay la midoobaan Dalka Somalia balse ay fadhiyadaasi ku qancinayaan DFS.
“Waxaa jira wada-hadalo nooga socda Dalka Turkiga Afar kulan ayaa sannadkii hore iyo horaantii sannadkan qabsoomay waanay socdaan, Laakiin heshiisku kuma jirin inaan DFS arrinta Midnimada kala gorgortano” ayuu yidhi siilaanyo
Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa aad uga soo horjeestay go’aanka Madaxweyne Xassan ee ku aadan midowga DFS iyo Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa isna dhinaciisa dhawr goor cadeeyay in ujeedada wada hadaladu tahay sidii ay Somaliland u noqon lahayd qaran buuxa.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com