|

WARQAD QORAAL AH OO AY SOO SAAREEN GUDDIGA SARE EE QAWMIYADAHA DIREED G21 OO LOOGA HADLAY DANAHA BELWEYNTA DIREED

Edmonton Aug 10,2014(SDN/QJ)-Warqad qoraal ah oo ay soo saareen guddida sare ee qawamiyadaha Direed G21 kuna aadan deegannada qawmiyadda ee Soomaaliya, Somaliland, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, waxay wadahadal dheer iyo shirar badan kadib, guddidu soo saareen go’amaddan:

 

1)   Guddiga qawmiyadaha Direed ee G21, waxuu taageersanyahay gooni isutaagga Jamhuuriyadda SomaaliLand (JSL), guddigu wuxuu mar kale taageersanyahay Jamhuuriyaddii calanka qaadatay 1960 oo dhan, sida; Sool, Togdheere, Sanaag, Maroodijeex, Saaxil iyo Awdal.

 

2)   Guddiga qawmiyadaha Direed ee G21, wuxuu taageersanyahay wada jirka iyo horumarka maamulka suuban ee Soomaalida Itoobiya.  Waxaana guddigu u soo jeedinayaa shacabka Soomaalida reer Itoobiya inay halkaa ka sii wadaan horumarka, sugidda amniga deegaanka iyo geeska Africa, intaba.  Sidoo kale, wuxuu guddigu u soo jeedinayaa maamulka sare inuu ilaaliyo caadaalada, iyo dhawridda xuquuqda mawaadhinimo ee dadka deegaanka.

3)  Guddiga qawmiyadaha Direed ee G21, wuxuu taageersanyahay qaranimada wadanka Jamhuuriyadda Jabuuti iyo horumarka lixaadka leh ee shacabka Jabuuti ay ku talaabsadeen.

Wuxuuna sidoo kale, u soo jeedinayaa xukuumadda m/wayne Ismaaciil Cumar Geele inuu halkaa ka sii wado horumarka iyo habka dimoqraadiyadda ku salaysan oo ah kii ay ku soo nabad iyo caano maaleen.

4)   Guddiga qawmiyadaha Direed ee G21, wuxuu taageersanyahay jiraataanka madaxbanaanida wadanka Soomaaliya, waa (Soomaalidii Talyaaniga) iyo u hawlgalida dawlad dalka wada gaadha kuna salaysan cadaalad iyo sinaan. Wuxuuna guddigu ka digayaa iibinta badda Soomaaliya iyo waxkasta oo wax udhimi kara qaranimada Soomaaliya.

Waxaa kale oo guddigu halkan ka cadaynayaa inaanay habayaraatee qawmiyadda Direed ka mid ahayn xukuumadda hadda jirta ee madaxwayne Xassan Sheekh Maxmuud ilaa inta laga gaarayo xukuumad loo dhanyahay islamarkaana ah mid ilaalisa xuquuqda shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale uu guddigu ugu baaqayaa beelaha Soomaaliyeed inay kuwada noolaadaan nabad iyo walaaltinimo.

5)   Guddiga qawmiyadaha Direed ee G21, wuxuu taageersanyahay qaranimada iyo horumarka shacabka reer Kenya.  Wuxuuna Soomaalida Kenya ugu baaqayaa inay halkaa ka sii wadaan wadajirka iyo ilaalinta amaanka Kenya iyo geeska Africaba.

guddiga Qawmiyadah Direed

ALLAH MAHAD LEH

 

Gudoomiyah Guddiga Qawmiyadaha Direed G21,

Suldaan CabdiKariim Faarax Ibraahim (Dagaal)

 

Comments are closed