|

Diyaaradaha Maraykanka oo Weerar ba’an ku qaaday Kooxda Daacish ee Ciraaq ka Dagaalanta

Baqdaad 09.Aug 2014 (SDN/QJ)- Diyaaradaha duuliya la’aanta ah ee Mareykanka iyo kuwa Ciidammada Badda, ayaa weerar cayiman ku qaaday meel ku dhow magaalada Irbil, oo ah meesha uu ka dhacay weerarkii ugu horeeyay ee Mareykanka uu qaaday subixii Jimcaha.

Kooxda sunniyiinta ah ee Daacish ayaa ku xooggan qeybo kamid ah dalalka Ciraaq iyo Suuriya. Tobannaan kun oo qof oo ka soo jeeda dadka laga tirada badan yahay ayaa guryahooda ka qaxay kaddib markii ay weeraro kala kulmeen. Daacish oo sidoo kalena loo yaqaano ISIS, ayaa qabsatay qeybo muhiim u ah Ciraaq.

Weeraradan cirka ah ayaa noqonayo kuwii ugu horeeyay ee Mareykanka si toos ah uu ugu qaado Ciraaq, taas oo qeyb ka ah howlgalada militariga uu Mareykanka ka waday tani iyo 2011-kii markii ciidamadiisa ay ka bexeen dalkaasi.

Weeraradii labaad, diyaaradaha duuliye la’aanta ah ee Mareykanka waxa ay burburiyeen xarun waxaana ku dhintay koox kamid ah dagaal yahaniinta, sida ay waaxda difaaca ee Mareykanka ee Pentagon ay sheegtay.

Baqdad SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed