Xubno ka Socda Hay’adaha aan Dawliga ahayn ee Sweden oo kulan la Yeeshay Gudoomiye Cirro
Hargaysa 10.Aug 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo kulan la yeeshay xubno ka socday Hay’addaha aan Dawliga ahayn ee Sweden oo wadanka bookhasho ku jooga.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa kulan la yeeshay waftiga balaadhan oo reer Sweden ah.
Waftigan oo ka tirsan Hay’addaha aan dawliga ahayn ee Wadanka Sweden oo muddo laba malmood ah safar indha indhayn ah ku joogi doonaya wadanka Somaliland gaar ahaan caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa shalay oo khamiis ah wadanka yimi waxaana hogaaminayay Aabe Ibraahim oo ah maalqabeen ka soo jeeda Somailand isla markaasna muddo dheer deganaa Wadanka Sweden waxanay xalay kulan la yeesheen Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) kulanaas oo ka dhacay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana labada dhinac ka wada hadleen ujeedada safarkooda, taas oo hogaamiyaha Wafiga MD Aabe Ibraahim uu sharaxaad ka bixiyay safarka uu ku yimi Somaliland, taas oo uu sheegay in waftigu ka koobnaa sagaal xubnood oo ka socda Hay’addadaaha aan dawliga ahayn, waxanu Mudane Aabe sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay safarka ay ku yimaadeen Somaliland, taas oo uu carabka ku dhuftay in kulanka ay la yeesheen Guddoomiye Cirro ay soo dhaweeyanayaan isla markaasna ay wada shaqayn yeelan doonaan Golaha Wakiilada, isla markaas waxa uu xusay inuu wadanka dib ugu soo noqon doono dhinaca kale Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa waftiga uga waramay marxaladaha kala duwan ee Somaliland soo martay taas oo uu u soo bandhigay sida uu ugu faraxsan yahay safarka waftigu uu ku yimi Somaliland iyo indh-indhayda ay ku samaynayaan Somaliland gaar ahaan Caasimada, sidoo kale Guddoomiye Cirro waxa uu soo dhaweeyay wada shaqaynta ay yeelan doonaan taas oo uu uga mahadnaqay waftiga intaas leeg ee wada ajaanibka ah ee wadanka yimi si ay wakhti uga qaataan oo ay u kuur galaan xaalada nabad gelyo ee wadanka ka hirgashay mudda dheer.
Kulankaas waxa uu ku dhamaaday jawi degan oo ay ka muuqado is-afgarad dhex maray labad dhinac.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com