|

Maraykanka oo Magangalyo Siinaya Nin Somalia oo Alshabaab Jidh dil u gaysteen

Washington 09.Aug 2014 (SDN/QJ)- Dowladda Maraykanka ayaa u balanqaaday inay magangalyo siinayso nin Soomaali ah oo la sheegay inay jirdil ugaysteen ururka argigixisada ah ee Alshabaab ee Soomaaliya ka dagaalama, Waana ninkii labaad oo Afrikaan ah oo todobaadyo gudaheed ku guulaystay codsiga muhaajiriinta ee magaaladaTexas.

Ninkaan oo codsaday in magaciisa lagusoo koobo Cabdi si ay aanay dhibaato usoo gaarin qoyskiisa oo Soomaaliya ku nool ayaa kamid ah daraasiin muhaajiriin Afrikaan ah oo magangalyo raadis ah oo yimaada Maraykanka iyagoo kasoo gudbaya xaduuda koonfurta ee Latin Amerika. Waana shakhsigii saddexaad oo Afrikaan ah inta la ogyahay oo loo balanqaado magangalyada El Paso.

Cabdi ayaa Soomaaliya wuxuu kasoo cararay sanadkii 2012, Aabihiis oo ahaa nin caan ah oo si aad ah looga yaqaanay koonfurta Soomaaliya waxaa xiray ururka alshabaab oo kadibna dilay.

10 cisho kadib Cabdi ayaa isuguna la xiray waxaana lagu eedeeyay inuu luuqada English-ka ka dhigo dugsi maxali ah. Goortaas kadib wuxuu ubaxsaday dhinaca magaalada Nayrobi ee xarunta dalka Kenya.

Ugu dambayn wuxuu u qaxay dalka Brazil halkaas oo uu ka bilaabay halgan qaatay muddo bilo oo uu ku doonayay inuu tago dalka Maraykanka.Waxaana safarkiisu ubadnaa mid lug ah.

Washington SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed