|

Sharciga Xakamaynta Hubka oo Xukuumada Somalia Maanta ansixisay

Muqdisho 07.Aug 2014 (SDN/QJ)- Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta meel-marisay sharci lagu xakameynayo ka ganacsiga iyo adeegsiga hubka wax dila, kaddib markii arrintaas looga dooday kulankii Golaha Wasiirrada.

HUBAfhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa sheegay in sharciga loo gudbin doono baarlamaanka Soomaaliya si uu u ansixiyo.

Sharciga ayaa xakameynaya ka ganacsiga, dhoofinta, soo-dejinta iyo farsameynta hubka ee gudaha Soomaaliya sida uu xusay afhayeenka.

Soomaaliya ayaa dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay waxaa sii xoogeysanayay ganacsiga sharci-darrada ah ee hubka, iyadoo uu hubka gacanta u galay shacabka, ayna fududaatay in cid kasta sidii ay doonto ay u isticmaasho.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed