“Intiinani(Golaha Wasiirada) waxad tihiin intii Madaxweynaha taageereysay ee aniga (Muuse Biixi) iga soo hor-jeeday,” Gudoomiyaha Kulmiye iyo Madal la Sheegay in lagu dhameeyay Khilaafkii Kulmiye {DHAGAYSO}
Hargaysa 07.Aug 2014 (SDN/QJ)- -Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay inay ka heshiiyeen khilaafkii u dhaxeeyey Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, isla markaana loo baahan yahay in si niyad-sami ah u wada-shaqeeyaan Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE.
Sidaa waxa uu Madaxweyne Siilaanyo ku sheegay shirkii Golaha Wasiirada ee Maanta ku qabsoomay xarunta Madaxtooyada Somaliland.
“Waxaan idiin sheegayaa (Golaha Wasiirada) inaan heshiinay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE,sidaa darteed waxa loo baahan yahay inaynu si fiican oo niyad-sami leh xukuumad iyo Xisbi-ba u wada-shaqeyno”.Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ka hadlayayey Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland ee maanta.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inuu igu marti-qaaday Shirkii Golaha Wasiirada, waxaanu yidhi “Intiinani(Golaha Wasiirada) waxad tihiin intii Madaxweynaha taageereysay ee aniga (Muuse Biixi) iga soo hor-jeeday, waad naga adkaateen oo Mahadsanid-na na maydaan odhan”.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALADII LAGA YIDHI KULANKAAS
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/ShaacinKulmiye07.mp3″]
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com