|

Xukuumadda Siilaanyo Oo Ku Dawakhsan Idaacad FM ah Oo Toddobaadkii Labaad Laga Dhegaysanayo Gudaha Hargeysa Iyo Shakhsiyaad Gaar ah Oo Laga Shakisan Yahay

Hargeysa:Aug,07,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, ayaa si weyn ugu Hawllan Idaacad FM ah oo  muddo laba toddobaad ah laga dhegaysayey Nawaaxiga Hargeysa, taas oo wali ku jirta Tijaabo.

horyaaIdaacaddan ayaa si toos ah hawada loo soo geliyaa 8:30PM ama Habeenimo, waxana ay ku jirto muddo dheer, iyadoo sii daysa Heeso Joogto ah, isla-markaana aan baahin wax cod wariye ah.

Saraakiisha dhegaha fudud ee xukuumadda ku jira oo ay ka mid yihiin Wasiirka warfaafinta, Maareeyaha wargeyska Dawan, afhayeenka Madaxtooyada iyo Maareeyaha waaxda Samafalka ee Wasaaradda DIbudejinta ayaa si weyn ugu hawllan helitaanka idaacaddan, cidda leh iyo waliba Gobta ay taallo.

Sirdoonkii ugu badnaa ee abid loo diro arrin dalka ka dhacda, ayaa loo diray soo helidda Goobta idaacaddani taallo iyo waliba cidda mulkigeeda iska leh, waxase kooxahani hawsha ku jiraa wali guuldarro ka taagan yihiin inay macluumaad lagu qanco ka keenaan idaacaddan cusub oo shacanku si weyn udhegaysanayo.

Maareeyaha wargeyska Dawan iyo afhayeenka Madaxtooyada oo iyagu hore usoo hoggaamin jirey Idaacaddii Kulmiye Hargeysa ku dhex qarin jirey ee Hormood, ayaa iyaga si gaar ah loogu diray inay xog ka keenaan idaacaddan, kuwaas oo wariyayaal ay talo-wadaag leeyihiin si joogto ah uga codsanaya inay usoo gudiyaan wixii macluumaad ah ee ay idaacaddan ka hayaan.

Yaa looga Shakisan yahay Mulkiyadda Idaacaddan?

Sida ay sheegayaan xogaha aanu haynaa, waxa lahaanshaha idaacaddan looga shakisan yahay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo xukuumaddu u aragto cudud mucaarid oo dhaqaale buuran haysata, isla-markaana awood u leh inay siyaasad noocan oo kale ah hirgeliso, maadaama ay muuqato inaanay mucaaridku helin doorkii ay xaqa ugu lahaayeen warbaahinta madaxa Bannaan oo xukuumaddu aanay ogolayn in wararkooda la baahiyo.

Wararku waxa ay intaas ku dareen in sirdoonku Habeenkii gaaf-wareegaan Agagaaarka  guryaha madaxda Xisbiga waddani, isla-markaana ay si dhaw ula socdaan Shirarka xisbigaasi yeelanayo iyo waliba dhaqdhaqaaqa madaxdooda ee Xilliyada idaacadani hawada ku jirto.

Sidoo kale waxa baadhitaano hoose lagu hayaa oo laga shakisan yahay Wariyayaal waaweyn oo caan ah, kuwaas oo ay xukuumadda colaadi u dhaxayso, waxana si gaar ah isha loogu godayaa Mulkiilayaasha Wargeysyada xayiran ee Haatuf iyo Hubaal oo xukuumaddu ka shakisan tahay inay arrintan lug ku  leeyihiin.

Idaacadan oo ka soo gasha tirade 90.0FM, ayaa si fudud loo dhegaysan karaa, waxana taasi warwar iyo Walbahaar Gelisay Xukuumadda oo iyagu aan wax dulqaad ah u lahayn inay dalka ka hirgalaan idaacado iyo TV-yo ka baxsan Gacanteeda, maadaama ay horeba Albaabada ugu laabtay Wargeysyo aan meel fog gaadhi jirin oo hargeysa Gudaheeda kaliya ku ekaa.

Meelaha Laga Baadi Goobayo

 

Idaacaddan waxa laga Baadi Goobayaa Dhinaca Bari ee Magaalada Hargeysa, iyadoo Sababtuna tahay in xukuumaddu aaminsan tahay In shacabka bariga Hargeysa ay taageero weyn u hayaan Xisbiga waddani,isla-markaana ay diyaar u noqon karaan inay martigeliyaan idaacaddan dhuumashada ku jirta wali.

Sidoo kale meelaha sirdoonka xukuumadda Habeenadan sida weyn logu arkayo wax aka mid  ah Degmada Axmed-dhagax oo iyaga qudheeda  xukuumaddu ku tuhunsan tahay mucaaridad gaamurtay iyo nacayb Madaxweyne Siilaanyo ka dhan ah, waxana si weyn loogu warwareegay Aqallada saaran Buuraha K/galbeed ee Magaalada, balse wali natiijadu waa faro madhan.

Meelaha kale ee sida weyn looga shakisan yahay in idaacaddani taallo, ayaa wax aka mid ah Xaafadaha Waqooyiga Magaalada Hargeysa oo qudhooda xukuumaddu u hayso fikir ah inay mucaarid yihiin,  waxana xuuraanku soo galay deegaankaas, balse ma ay keenin natiijadii laga rabay.

Baadidoonka loogu jiro idaacadan warkeeda, ayaa ah waxa ay Habeenadan iyo maalmahan dambe ku qayilaan sirdoonka iyo Guulwadayaasha xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, waxana la wadaa Hawlgallo cir iyo dhul ah oo ay hormood ka yihiin wasiir Cukuse, Agaasime Sayid iyo walba Afhayeen dhuxul oo ay ku adkaatay Jawaabtii ay Madaxtooyada kaga Farxin       lahaayeen iyagana niyaddu ugu degi lahay.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed