Maleeshiyo Kasoo Jeedda Beesha Faroole Oo Oo Abaabul Dagaal Ka Wadda Caasimadda Garowe iyo Shacabka Oo Baqdini soo Wajahday
Garowe:Aug,07,2014(SDN/QJ)-Tan iyo intii uu madaxweyne Cabdiweli Gaas xilka-qaadista ku sameeyey Saraakiil kasoo jeeda Beesha madaxweynihii ka horreeyey ee Faroole, waxa Deegaanka Gobolka Nugaal ka aloosmay Xiisad colaadeed oo ciidamo Beeleedyo isku abaabuleen.
Ciidamo beeleedyadan ayaa isa soo dhoobay Gudaha iyo daafaha Magaalada Garowe, kuwaas oo ku hubaysan noocyada kala duwan ee Hubka, isla-markaana qaarkood hore u qabsadeen xaruntii Tv-ga Maamulka Puntland.
Ciidamadan ay isku beesha Yihiin Faroole ayaa aaminsan in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas uu wado xilal ka qaadis lagu colaadinayo hal beel kaliya xil ka qaadistaasi.
Xubnaha xilalka laga qaaday ayaa waxaa ka mid ah Cumar Cabdullaahi Faroole oo ah wiil uu adeer u yahay Madaxweynihii hore C/raxmaan Faroole, isla markaana uu ka dhigay Taliyihii Madaxtooyada Garoowe, Taliye ku xigenkii ciidanka booliska Gen.Muxiyaddiin Axmed Muuse iyo Agaasimihii Puntland TV Axmed Maxamed Cali (Kismayo).
Isimada kasoo jeeda gobolka Nugaal oo uu horkacayo Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa ku guuleystay in si nabad ah maliishiyadan ku heybta ah ka kaxeeyaan xarunta TV iyo Raadiyaha Puntland, waxayna ku baaqeen in wada hadal arintan laga galo.
Weli lama shaacin xilliga uu wada-hadalka dhici doona, waxaana la sheegay in Maleeshiyada reer Faroole ay feejignaan ku jiraan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com