|

Somalia: Magaalo Shacabkii Deggenaa Dhimanayaan, Qaarna Ka Cararayaan

Buullo-burte:Aug,07,2014(SDN/QJ)-Xaalad Bani’aadanimo oo aad u liidata, ayaa ka taagan Magaalada Buulo-burte, waxana Haatan bilaabantay inay shacabka qaarkood  macaluul u dhintaan, halka inta socon karaysaana ay  cagahooda miciinsadaan.

badooDhibka dadkan haysta ayaa ah Abaar muddo soo socotay oo ay u raacday Go’doomin ballaadhan oo ay kooxda Al-shabaab saartay deegaano Buullo-burte ku jirto.

Ugu yaraan 11 qof, oo ay ku jiraan dhowr carruur ah, ayaa u dhintay gaajo intay ku jireen socodkii dheeraa ee Buulo Burde illaa Beledeweyne, ayuu yidhi Cumar Cali, oo ah oday dhaqameed 53-jir ah oo ka soo jeeda Buulo Burde.

“Dadka deggan Buulo Burde waa beeraleey, xoolo dhaqato iyo dad xamaalato ah waxaana isugu tagay dhibaatadii ka timid go’odoomintii al-Shabaab, dalagga beeraha oo yar roob la’aanta darteed, iyagoo aan haysan cunto la siiyo xoolaha iyo xamaalatada oo aan wax shaqo ah hayn,” ayuu yidhi.

Cali ayaa sheegay in dadka ku hadhay magaalada ay intooda badan biil ka helaan dibedda ayna awoodaan inay iibsadaan raashinka laga soo tahriibiyo Beledweyne.

“Cuntada ay isticmaalaan dadka hadda magaalada ku nool waxaa soo galiya ganacsatada magaalada, kuwaas oo qaar ka mid ah ay dameerro uga soo tahriibiyaan Beledweyne iyagoo isticmaalaya jidad ay garanayaan,” ayuu yidhi. “Cuntada ay keenaan waxay ku iibiyaan $60 illaa $65 loorka 50-ka kiilo ah oo burka, bariiska iyo sokorta ah. Dadka kaliya ee [awooda inay] iibsadaan waa dadka qurbaha ka hela lacagta, dadkii aan wax haysanna waa ay ka cararayaan magaalada.”

Muumina Siyaad, oo ah hooyo 39-jir ah oo dhashay siddeed carruur ah, waxaa 20-kii July ka dhintay saddex ka mid ah carruurteeda goor ay u lugeeyneeysay Beledweyne. Laba qoys oo kale oo la socotayna waxaa midkiiba ka dhintay saddex qof, oo uu ku jiro ilmo 4-jir ah, siday sheegtay.

Muumina ayaa sheegtay in qoysaska ay dantu ku khasabtay inay magaalada ka cararaan ka dib markii ay waayeen wax ay cunaan.

“Waxaan ahayn qiyaastii 40 qoys oo Buulo Burde uga soo baxay lug. Waxaan soconnay 24 saacadood illaa [aan gaadhnay] tuulada Caga Bashiir, oo 25 kiiloomitir u jirta Buulo Burde, halkaas oo aan ka helnay bas na geeya Beledweyne,” ayay tidhi.

Wax raashin ah ma soo galin Buulo Burde tan iyo dhammaadkii May, markii ay ciidamada xukuumadda Soomaaliya iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya diyaarad ku geeyeen 2.5 tan oo cunto iyo agabka caafimaadka ah.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed