|

Lix ka mid ah Muwaadiniintii Somaliland Djibouti ku Wareejisay Oo Si Qarsoodi ah Dalka Loogu Soo Celiyey iyo Qaarkood Oo Jidh-dil Lagu Naafeeyey

 

Hargeysa:Aug,07,2014(SDN/QJ)-Lix ka mid ah Toddobadii muwaadin ee dhawaan Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo dhawaan u gacan-gelisay Dhiggeeda Djibouti, ayaa la sheegay in si qarsoodi ah dalka loogu soo celiyey.

digIlo wareed Muhiim ah oo aan  ka soo xiganay warkan ayaa sheegaya in Lixda Maxbuus ee la soo celiyey si arxandaro ah loo jidh dilay isla markaana ay qabaan dhaawacyo waaweyn oo naftooda halis ku ah.

Halka qof ee ka dhiman Maxaabiistaas ay Jabuuti iyo Somailand isku gudbiyeen ka dhiman ayaa la sheegayaa in uu u Geeriyooday Jidh Dilkii lagu sameeyey dartii, kaasoo Isha warkan aanu ka helnay sheegtay in uu yahay wiilkii ka shaqayn jiray Xawaaladda JUBBA.

Lab aka mid ah Dadkan la soo daayey, ayaa la sheegayaa inay qabaan dhaawacyo waaweyn oo jidhdilkii loo geystay ka dhashay, halka mid kalena la sheegayo inuu xagga maskaxda tashuush kaga fumay.

Warkan  waxa uu sheegayaa in laba gaadhi oo ka mid ah kuwa Sirdoonka Jabuuti maxaabiistan lagu soo celiyey Somaliland lagaga soo talaabiyey magaaladda Lawyacado, isla markaana la soo lugaysiiyey, halka markii Dawladda Jabuuti qaadanaysay diyaarad khaas ah lagaga qaaday madaarka Hargeysa.

Ilo wareedka warkan aanu ka helnay waxa uu sheegaya in Lixda Maxbuus markii Somaliland lagu soo wareejiyey mid kasta si gaar ah loogu xidhay xabsiyada Goboladda Dalka si aan loo ogaan soo celintooda iyo dhibaatada ay qabaan ee ka soo gaadhay Jidh Dilkii lagu sameeyey.

Xukuumadda Somaliland iyo ta Jabuuti toona wali kamay hadal soo celinta dadkan la Jidh Dilay ee aan illaa hada sharciga la horgeynin, hase yeeshee wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa hore u sheegay in Dawladda Jabuuti soo celinayso marka ay baadho.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed