|

Duulaan Culus oo lagu soo Qaaday Dhirtii Uduga ee Gobolka Sanaag

Ceerigaabo 07.Aug 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyha gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan(Ramaax),ayaa ka war bixiyay duulaan lagu soo qaaday guud ahaan dhirta udugga ah ee gobolka Sanaag iyo kuwa qoyan oo dhuxul laga shido isla markaana la geeyo magaalada Boosaaso oo laga sii dhoofiyo.

 

Badhasaabka-sanaagMaxamuud Cali Saleebaan(Ramaax) waxaa kale oo uu sheegay in ay meel wanaagsan u marayso la dagaalanka dhuxulaysiga lagu hayo dhirta qoyan ee gobolka Sanaag waxanu intaa ku daray in ay illaa imika gacanta ku dhigeen illaa sideed lawdh oo dhuxul sharci darro ah iyo qaar ka mid ah dadkii  watay oo uu sheegay in caddaaladda  hor keeni doono. Guddoomiyuhu waxa uu  sidaas ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Dawan.

Ugu horrayn Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal ahayd  halka ay u marayso la dagaalanka dhuxulaystada dhirta qoyan shidda oo ka bilaabmay gobolka Sanaag, waxaanu yidhi  “Meel fiican ayay noo maraysaa imikana waxaanu qabannay sideed lawdh oo dhuxul dhir qoyan laga shiday oo u socotay Puntland halkaas oo laga sii dhoofinayay,waxaa kale oo aanu qabanay qaar ka mid ah dadkii watay iyo gaadiidkii ay ku rarnaydba,waxaanan marin doonaa sharciga,waxaanan bulshadda  dadka ku hawlan dhuxulaysiga sharci darada ah ee lagu hayo dhirta qoyan ee aan gayin dabka iyo goynta lagu hayo u sheegayaa in  hawl galka aanu wadnaa ma aha  mid  maalin iyo laba ku istaagaya ama todobaadyo iyo bilo ku eg waa mid waligiiba soconaya oo lagu ilaalinayo guud ahaan dhirta gobolka Sanaag ciidankuna si wacan ayay hawshooda u gudanayaan cid kasta oo isku dayda in ay  dagaal kala hor yimaadaanna tallaabo ayay ka qaaayaan.”

Guddoomiyaha oo aanu weydiinay in ay dhibaato ka dhalan karto marka ay ciidanka amar ku siiyaan in ay talaabo dagaal ku waajahaan ciddii amarkooda u hogaan sami weyda auu ku jawaabay. “Horta cidda tallaabada laga qaadayaa waa cidda dagaal hubaysan kala hor timaadda ciidammadda ee adeegsada hub iyo rasaas taana ciidanku amar ayay ku haystaan in ay tallaabo ka qaadaan guud ahaan wax garadka deegaanka gobolka Sanaag iyo Maamul ahaanna waanu isku raacnay in aanu badbaadino dhirta deegaanka oo aanu ka hor tagno khatar baas oo lagu hayo  taasoo aan ku koobnayn oo kaliya dhirta qoyan ee dhuxusha laga shidayo laakiin lagu hayo xtaa geed udugyada uu gobolka Sanaag caanka ku yahay iyadoo ay jiraan xataa qaab ganacsi oo diin ahaanna xaaraan ah oo been abuur ah oo in dhaweydba lagaga ganacsnayay qaar ka mid ah geed udugga, iyadoo inta la soo qaado dhirta caadiga ah  qoloftooda oo in cadar ahna lagu shubo lagu sheego in uu yahay geed cuud,taasina waa xaaraan, dadka dhirta noocaa uga ganacsadana waxaanu uga digaynaa in ay dambi tahay in geed qoyan la diiro.”

 

Guddoomiye Ramaax oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Geedka cuudku wuu ka baxaa gobolka Sanaag waana la munaafacaadsan karaa laakiin maaha in xataa been iyo xaaraan lagu ganacsado oo dadka lagu dhoco,taana  cidda dambe ee aanu ku aragno tallaabo ayaanu ka qaadaynaa, waxaa kaloo aanu mamnuucaynaa in guud ahaan dhirta khayraadka ah ee gobolka Sanaag nooc kasta oo ay yihiin in loo qaado Puntland,halkaasoo ay gobolka khayraadkiisa dhirta kaga soo duuleen ganacsato habab kala duwan xaalufin ba,an ugu hayay geed xabkoodka kala gedisan ee deegaanka iyo dhirta qoyan ee dhuxusha loo shidayo ee Boosaso laga dhoofiyo.”

 Ceerigaabo SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed