Wasiirka Madaxtooyada oo Magaalada Riyaad Kulan kula qaatay Boqor Cabdalaha Sucuudiga Walaalkii SAWIRO
Jidda 07.Aug 2014 (SDN/QJ)- Boqortooyada sacuudiga oo si meeqam sare ah u Qaabishay Wasiirka Wasaarada Madax Tooyada Somaliland Mudane Xirsi Xasan Xaaji Cali iyo waftigii i uu hogaaminayay ,
Iyadoo qasriga boqortooyada wasiirka iyo waftiga uu ku qaabilay Amiin C.Razmaan Bin Cabi Caziiz Aala Sucuud oo ah Boqor Sucuudiga Boqor C.Laha Walaakii kana mid ah raga dhaxaltooyada sacuudiga sugaya
Wasiir Xirsi Iyo Amiir C.Raxman ayaa waxay ka wada hadleen xidhiidhka diblumaasiyadeed iyo kan dhaqaale ee ay wadaagan labada dalka ee boqortooyada sucuudiga iyo dalka Somaliland iyagoo isla jeex jeexay kana dooday sida muhiimka ay u tahay in la sii adkeeyo xidhiidhka ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ,
Wasiirka ayaa waxaa kulankan ku wehelinayay xiladhibaan c.laahi balaki safiirka somaliland ee sacuudiga Cabdala Musa Kuwati iyo Wakiilka Somaliland Ee Makkah Safiir Ahmed Adan Dagaaal Safiina .
kulankan ayaa ku soo dhamaaday jawi deggen oo faraxadi ku dheehantahaya .
Jidda SDN/QJ
contact@qurbejoog.com