|

Jaaliyada Somaliland ee Sucuudiga iyo Xadiga Lacageed ee ay kaga qayb qaadanayaan Jidka Ceerigaabo

Jidda 07.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi  Cali Xaaji Xasan oo ku sugan dalka Sucuudiga ayaa shaaca ka qaaday xadiga lacageed ee ay jaaliyadda Somaliland e ku dhaqan wadankaasi ugu yabooheen  dhismaha  jidka halbowlaha ah ee isku xidhaya Burco iyo Ceerigaabo.

Wasiirku waxa uu ammaan balaadhan u jeediyay jaaliyadda ku dhaqan Sucuudiga oo uu tilmaamay inay yihiin dad waddaniyad dhab ahi ku jirto oo jecel horumarka dalkooda, waxaanu ugu mahad celiyay qaadhaankii ay ku taageereen jidka Ceerigaabo oo intoodii badnayd ay kaash ku soo gaadhay.

sucuudigii-300x225Wasiir Xirsi waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu ku daabacay mareegtiisa Internet-ka ee guusha.com, waxaanu qoraalkaasi u qornaa sidan:-“Qof Kasta oo  ah Muwaadin u Dhashay Somaliland-na Waxaa Laga Doonayaa in uu Noqdo Safiir iyo Ergay u taagan ka midho dhalinta Qadiyadeenna.

Kadib markaan dhamaystay safarkii Cibaadada ahaa ee aan dalkan sucuudiga u imi, waxaan bilaabay kulamo kala duwan oo aan la qaatay jaaliyada Somaliland ee Boqortooyada Sucuudiga ee magoolooyinka Riyaadh, Jidah,  Damaam, kuwaas oo aan is xogogaal waraysi dabadeed aan u bandhignay in ay ka qayb-qaataan horumarka dalka ka socda, gaar ahaan mashruuca weyn ee dhismaha waddada dheer ee isku xidhi doontaa Togdheer – Sanaag.

Waxaan si qoto dheer isaga waraysanay waddadan iyo sida ay halbowle ugu tahay horumarka dalka, kor-u-qaadida amaanka, Isku-gudubka bulshada iyo koboca dhaqaalaha.

Dhankooda ayey jaaliyada reer Somaliland ee Boqortooyada Sucuudigu ka dareen celiyeen bandhigan ciwaankiisu yahay “Gacmo wada jir bay wax ku qabtaan” waxaanay si hufan oo ay  ku dheehan tahay muwaadinimo uga qayb qaateen qaadhaankii aanu ugu yaboohnay waxaanay ku deeqeen xadi lacageed oo dhan &210,000USD “Laba boqol iyo Toban kun oo doolarka Marakaykanka ah” , taasoo intii badnayd nagu soo gaadhay madax-ka- tiris “Cash”

Sidoo kale waxaa qaadhaan lacageed oo dhan $50,000 USD “Konton kun” balan qaaday  ganacsade Jaabiri, guud ahaan waxay isku tahay “$260,000 USD “Laba boqol iyo Lixdan Kun oo Doolarka Markaykanka ah.

 

Waxaa hubaal ah in qarankeena Somaliland  yahay qaran isku tashaday oo ku tashaday tallada Alle iyo tamarta dadkiisa, waana xaqiiq in aynu xaqiijin doono guulo badan oo horleh.”

Jidda  SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed