|

Inka Badan 2000-kun Oo Tahriibayaal Soomaaliyi Ku Jirto Oo Badda Talyaaniga Laga Soo Badbaadiyey

Sicilia:Aug,06,2014(SDN/QJ)-Tahriibayaal Tiradadooda lagu sheegay inay Kor u dhaafayeen 2700-qof oo somaliyi ku jirto, ayaa maalmihii jimcihii iyo Axaddii toddobaadkan laga soo badbaadiyey Xeebaha dalka talyaaniga.

taheeBarta Twitterka ee u gaarka ah Mariniska Talyaaniga ayey ku sheegeen inay gurmad xooggan u sameeyeen Muhaajiriinta oo iyagu la socday dhowr dooni oo aad loo soo buux dhaafiyey.

Gurmadkii ugu horreeyey ayaa lagu soo badbaadiyey 1,300 oo qof, kuwaasi oo ay Ciiddanka Badda Talyaaniga soo gaadhsiiyeen Gacan-biyoodka Sishiliya, ka hor intaan dadkaasi loo daad-gureynin Degmadda Taranto oo ku taallo Koonfurta dalkaasi.

Gurmad kale, Mariniska waxay soo badbaadiyeen 227 qof oo la socday dooni yar oo si weyn loo soo buux-dhaafshay, iyadoo dadka la soo badbaadiyey ku jireen 40-haween iyo 95 carruur.

Dhinaca kale, in ka badan 20 Tahriibayaal ayaa la xaqiijiyey inay geeriyoodeen, iyadoo Tobaneeyo kalena la la’ yahay, kadib, markii ay dooni kula degtay Xeebaha ka baxsan dalka Liibiya.

Dadka la soo badbaadiyey ayaa la sheegayaa inay ku jireen Tiro badan oo soomaali ahi, waxana ay Haatan ku sugan Yihiin Tuulooyin ka tirsan Dalka Talyaaniga.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed