|

Muslmiinta Galbeedka Afrika Oo Sanadkan Loo Diiday Inay Xajka Tagaan

Riyad:Aug,06,2014(SDN/QJ)-Dawladda Dalka Sucuudiga ayaa sheegay inay xujayda ka tegaysa Galbeedka afrika aan loo ogaalaan doonin sanadkan inay Tagaan Xajka.

geleWar qoraal ah oo ay heshay Warbaahinta Gudaha sucuudigu, ayaa lagu sheegay in dalkaasi mamcuunay inuu fiiso siiyo dadka galbeedka qaarada Afrika kasoo xajaya, iyadoo sababtuna tahay cudurka halista ah ee Ebola oo dalalkaas faro baas ku haya.

Afhayeen u hadlay sucuudigu inaan la ogayn inay sanadka xujayda ka timaadda Dalalka kala ah Liberia,serileon iyo Ginue.

Saddexdan Dal ayuu cudurkani si weyn u ragaadiyey, waxana ay dawladda sucuudigu sheegtay inay Garoomada diyaaradaha dhigeen Shaqaale u tababaran inay qabtaan dadka xanuunkaas qabaan.

Hadalkan kasoo baxay dawladda Sucuudiga ayaa imanaya xilli cudurka Ebola uu si xawli ah ugu sii fidayo meelo badan oo caalamka ka mid ah, balse waxa uu saldhig ka dhigtay oo uu markii horeba ka bilaabmay Galbeedka qaaradda Afrika.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed