|

Madaxweyne Xasan: “Dowladdu waxay qaadeysaa tallaabooyin looga hortagayo in cudurka Ebola u soo gudbo Soomaaliya”

Washington Aug 06, 2014(SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliyeed, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay tillaabooyinka ka hortagga ah ee ay Soomaaliya qaadeyso si ay u xaqiijiso in Feyraska Xanuunka Ebola uusan saameynin Soomaaliya.

Soo ifbaxa cudurka Ebola waxa uu markii ugu horreysay ka dillaacay dalka Gini bishii Maarso 2014. Laga soo billaabo markii uu uu cudurku dillaacay, feyrasku waxa uu ku faafay dalalka Laaybeeriya iyo Siiralyoon. Dillaaca cudurkan waa kii ugu ba’naa taariikhda la hayo marka laga eego xagga xaaladaha tirada dadka ee u li’anaya.

“Aad baan uga walaacsannahay xanuunkan ka dillaacay Galbeedka Afrika. Waxa aan doonayaa in aan qalbigiinna ku dejiyo in Soomaaliya aad uga fogtahay dalalkaas ayna u dhaxeyso masaafo dheer si uu Ebola u soo gaaro Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, iyada oo og jiridda muuqata ee cudurkaas, Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo saaxiibadeedba waxa ay qaadeen tillaabooyin deg deg ah si Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM looga ilaaliyo cudurkaas. Tillaabooyinkaas waxaa ka mid ah kala shaqeynta AMISOM in la qaado tillaabooyinka muhiimka ah eek a hortagga si loo xaqiijiyo in Ebola uusan soo gelin Soomaaliya isaga oo u soo maraya ciidamada la iskubedelaayo.

“Waan aqoonsannahay khatarta xanuunkan ba’an iyo saameynta uu ku hayo saaxiibadeenna Afrikaanka ah. Heegan baan u nahay in aan caawinno dalalka uu waxyeelleeyey cudurku waxaana u rajeneynaa waxkaqabasho iyo caafimaad deg deg ah” ayuu Madaxweynuhu yiri.

SDN/QJ-Washington

contact@qurbejoog.com

Comments are closed