Xukuumada Kukmiye Miyay kufilaan Wayday Misaaniyadii $150Milyan ee ay Kufaanayeen
Hargeysa Aug 05,2014(SDN/QJ)-Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Abdiqani Ibrahim Salaf (Kaptanka) ayaa qoraal uu soo gaarsiiyay bogan Qurbejoog.com waxa uu uga waramay boobka hantida umadda ee xisbiga Kulmiye, qoraalka Xoghayaha ayaa sidan u dhignaa:
“Waxaa wax lagu qoslo ah in Xukuumada Somaliland Maanta katalisaa ee Xisbiga Kulmiye Soodhisay isla Markaana Caynaanka Uhayo Md madaxweyne Ahmed Maxamuud Siilaanyo Soo Saartay Maalin Dhawayd Warbixin Dheer oo Saxaafada uu Kahor Aqriyey Afhayeenka Madaxtooyada Mr Dhuxul Warbixintan oo Lagu Sheegay Waxqabadkii Xukuumada ee Afartii Sano ee Xilka ay Haysay, Warbixintan oo uu Afyaheenku u Higaadinayay Sidii Qof Afsomaligu ku adagyahay, Waxaa lagu Sheegay In Xukuumadu Miisaaniyadii Dalka ay gaadhsiiyeen 150Milyan Halka ay Markii hore ka ahayd $40Milyan,
Run ahaantii Waa Wax Aad u Fiican in la Kordhiyo Miisaaniyada Dalka Laakiin Waxa ay Su,aashaydu tahay Miisaaniyada Waxaa lagu Kordhinkaraa Shaqo Abuur Suuq gayn dibada wax loo Dhoofiyo iyo Waxsoo saarka dalka oo kor loo qaado Maalgashiga oo si Wanaagsan loo Maamulo, Musuq Maasuqa oo lacidhibtiro, Hadaba hadii Miisaaniyada Lagu Faanaya tahay Dhiigii Shacabka Sababtoo ah Cashuurtii oo Lakordhiyey 100%280 Taas laguma Sheegi Karo Miisaaniyad Korodhay ee waa Dhiigii Shacabka Masaakiinta ah oo Lakorodhsaday Waxna Aan loogu Qaban oo Hooyadii bacadka Khudaarta ku Gadaysay Wali Bacadkii Fadhido ee Cashuurta tobanka Goor lagu kordhiyey Inankeedii iyo Dhalinyaradii waxbaratay Tahriib ayay ku lee,deen Markii Miisaaniyadaa lagu Faanayo Shaqo Loogu Abuuri waayay,
Miisaaniyada lakordhiyey Miyay Xukuumada Kulmiye Kaga Maarmi wayday hantidii Umadani Lahayd waa Guryihii Dowlada ee Ay kaxishootay Xukuumadii Rayaale oo Miisaaniyadeedu ahayd $40Milyan Maanta waxa uu ku dhawaaqay Badhasaabka Togdheer oo uu Wehiliyo Mayirka Burco iyo kuxigeenkiisa in la Xaraashayo Dhulkii dowlada iyagoo Sheegay in Loo iibinayo Hantidii Qarankani Lahaa ee Magaalada Burco siloogu dhiso jidadka magaalada Burco oo siday sheegeen Masuuliyiintaasi labilaabayo Dhawaan, Lacagtii wadooyinku ee Miisaaniyada Kujirtay Meeday? ee dal iyo dibadba lagasoo ururiyey miyay dhisikari wayday dowladii hoose ee Burco maxaa maanta kalifay in xaraash loo dhigo Sh, Bashiir iyo taariikhdii wadanka, ugu danbayntii waxaan leeyahay Xukuumadu dib ha iskugu noqoto meesha wax lagu faanaa uma yaale haka xishoodaan guryahii iyo dhulkii iyo hantidii dowlada ee lagu mamay dadka iyo shacabka liitana hoos haloo eego.
Allaa Mahadleh
Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid
Abdiqani Ibrahim Salaf (Kaptanka)