Al-shabaab Oo Sababaysay Dilka Taliye Kornayl Muslim Oo Bosaso Ku Dileen
Barawe:Aug,05,2014(SDN/QJ)-Xarakada Al-shabaab, ayaa dusha u ridatay Masuuliyadda Dilkii loo geystay Taliyihii Boliska Puntland ee Qaybta Bariga Kornayl Cabdiraxmaan Cali Cabaas (muslim).
Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa waxa uu daboolka ka qaaday inay iyagu ka dambeeyeen weerarka lagu khaarajiyay Korneyl C/raxmaan Muslim.
Afhayeenka oo la hadlaayay Idaacada Andulus ee ku hadasha afka Ururka Al Shabaab, ayaa waxa uu xusay in Sarkaalkan ay la dileen Saraakiil kale, inkastoo aanu sheegin waxa ay isugu jiraan.
“Hawlgal guuleystay ayay Mujaahidiintu ka fuliyeen Magaalada Boosaaso, waxayna ku dileen Saraakiil ashahaadda la dirir ah oo uu ka mid ahaa Taliyihii Booliska Bari.” ayuu yidhi C/Sheekh C/casiis Abuu Muscab.
Sheekh C/casiis, ayaa sheegaaya in Korneyl C/raxmaan Muslim uu dhibaato ku haayay dadka degan Magaalada Boosaaso, gaar ahaan Culimada iyo ardayda. Isla-markaana uu ku wareejin jiray Hay’adaha Sirdoonada ee Mareykanka iyo Itoobiya, sida uu yidhi.
Weerarkan, ayaa waxa uu baqdin ku beeray bulshada degan Xarunta Gobolka Bari ee Magaalada Boosaaso, waxaana si weyn looga hadalhayaa dal iyo dibadba.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com