|

Guddida Doorashooyinka Qaranka Oo Lagu Wado inay Kulamo La yeeshaan Axsaabta Qaranka Somaliland

Hargeysa:Aug,05,2014(SDN/QJ)-Guddidda Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa  lagu wadaa inay Maanta Kulamo la qaataan Axsaabta qaranka, iyadoo kulankaasina yahay mid qorshaysnaa muddooyinkan dambe.

xyUjeeddada Kulankan, ayaa ah sidii labada dhinac ay wax iskaga weydiin lahaayeen Arrimaha Diiwaangelinta Codbixiya-yaasha oo muddooyinkan  loo ballansanaa in dalka laga bilaabo.

Waxa la filayaa in  kulankan labada dhinac dhex maraya lagu lafo-guro arrimaha diiwaangelinta oo xisbiyada qaranku ku dhegan yihiin in si degdeg ah loo gudo galo si aanay doorashooyinku dib ugu dhicin.

Kulankan ayaa Ujeeddada ugu weyni tahay in axaabta iyo komishanku isla meel dhigaan xilliga Go’an ee Diiwaangelintaas la qaban karo iyo waliba caqabadaha haatan muuqda ee Guddidu daliishan karaan.

Marar badan ayey Guddidu sheegtay in la bilaabi doono Diiwaangelinta oo axsaabtu rumaysan yihiin inay fure u tahay doorasho dalka ka qabsoonta iyadoo sidoo kale ay axsaabta mucaaridku qabaan warwar ah in xukuumaddu doonayso inay Doorashada dib u dhigto.

Guddida Komishanka qaranka ayaa hore u qabtay Diiwaangelin tijaabo ah oo la tijaabinayey agabka la  isticmaali doono, balse wali Guddidu kuma ay dhawaaqin Nooca agabka ah ee ay u qaadan doonaan Diiwaangelinta Codbixiya-yaasha  ee Mustaqbalka dhaw.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed