Guddi Isku Xilqaantay Daminta Muranka SOLJA Oo War-saxaafadeed Soo Saartay
Hargeysa:Aug,05,2014(SDN/QJ)-Khilaafka Hadheeyey Hoggaanka sare ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa Gebi ahaanba laaga dareemay Somaliland, waxana soo kordhaya Dadka u heellan inay bakhtiimaan Khilaafkaas.
Guddi ka kooban shan xubnood oo u badan Saxafiyiin waayo arag ah iyo aqoonyahanno reer Somaliland, ayaa iyagu ku dhawaaqay iinay khilaafkaas daminayaan, isla-markaana dhexdhexaad ka gelayaan xal u hellida khilaafkaas. Waxana ay sheegeen inay dhegaysteen inay labada dhinacba la kulmeen oo ay dooddooda dhegaysteen.
Guddidan ayaa ku dhawaaqay inay arrintan xil iska saari doonaan, waxana ay soo saareen War-saxaafadeed ay ku sheegeen inay inay diyaar u yihiin inay si niyadsami ah turxaanta goobta taalla u saari lahaayeen.
War-saxaafadeedka ayaa sidatan u dhignaa:
WAR-SAXAAFADEED:
UJEEDDO: Go’aamo Hordhac ah
Guddi ka kooban odayaasha saxaafadda Somaliland oo ergo dhexdhexaadin ah ka galay khilaafka soo kala dhexgalay hoggaanka ururka suxufiyiinta ee SOLJA, waxay soo saartay;
Waxaannu ka mahadcelinaynaa in labada dhinac ee isku khilaafay hawsha qabanqaabada shirweynaha shanaad ee ururka SOLJA ay si masuuliyad iyo tixgelini ku jirto u aqbaleen ergada odayaasha saxaafadda Somaliland, kalsooni buuxdana siiyeen.
Ergadu waxay labada dhinac ka dhegaysatay waxyaabihii ay kala tabanayeen kadib kulamo gaar gaar ah oo ay la yeesheen, kuna ballanqaadeen in sharciga loo noqdo, ergadu waxay soo saartana ay aqbali doonaan.
Guddiga ergadu waxay sida ugu dhakhsaha badan u soo saari doontaa go’aamada. Dhammaan warbaahinta kala duwana waxay ugu baaqaayaan in aanay ka qaybqaadan wax kasta oo hurin kara khilaafka ururka si loo ilaaliyo jiritaanka iyo sumcaddiisa.
Magacyada Guddiga:
Xuseen Cali Nuur
Axmed Ducaale Bullaale
Cabdillaahi Aadan Cumar (Wayab)
Maxamed Aw Aadan
Maxamed Cabdi Ilig.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamed Cabdi Ilig
Afhayeenka Guddiga Dhexdhexaadinta.”
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com