Mucaaridka Jabuuti oo laga hor joogsaday in ay Mareykanka u tagaan banaabax ka dhan ah Ismaciil Cumar Geelle iyo Ergeyga USN ee Canada oo ka hadlay
Toronto Aug 05,2014(SDN/QJ)-Xubno ka tirsan dalada mucaaridka Jabuuti ee USN ee dalkan Canada ayaa laga hor joogsaday in ay Mareykanka u tagaan isu soo bax looga soo horjeedo madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle oo dalkaa booqanaya.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal uu ergeyga dalada mucaaridka Jabuuti ee Canada Md Xuseen Cabdiraxmaan Cadhoole ku shaaciyay bogiisa internetka.
Ergeygu waxa uu intaa raaciyay in uu codsi u diray safaarada Mareykanka ee Canada si Qurbejooga USN loogu ogolaado in ay six or ah u cabiraan diidmadooda ku wejahan hogaan xumada Madaxweyne Geellaha Jabuuti.
Taageereyaasha USN ee woqooyiga America ayaa u balamay in ay ku mudaharaadaan madaxweynaha Jabuuti oo haatan booqanaya dalka Mareykanka.
Madaxweyne Obama ayaa martiqaad u fidiyay madaxweyneyaasha dalalka Africa si looga wadahadlo sidii qaarada iyo Mareykanku iskaashigooda kor loogu qaadi lahaa.
Mucaaridka Jabuuti ayaa Bishii May ee ina dhaaftay Mareykanka u tegay sidii ay ugu mudaharaadi lahaayeen Madaxweyne Geelle oo xilagaa booqanayay Mareykanka
SDN/QJ-Toronto
contact@qurbejoog.com