SADAASHA : HADII GUD. SULAIMAN SANAD U KORDHIYO MADAXWAYNE SIILANYO
Doorashadii waa soo socota, KULMIYANA waa sii socda, Inkastoo Madaxwayne Siilaanyo ku dhawaaqay inay doorashadu dhacayso waqtigeeda, hadana saan-saankeedi ma muuqdo . Waxa laga shakisanyahay mudo-kordhin uu qorshaynaayo Guddoomiye Sulaiman iyo Golahiisa Guurtidu. Hadaba , maxaa dhici kara hadii mudo kordhin loo samaeeyo Madaxwayne Siilaanyo ? Waxa dhici kara sadex xaalo oo kala daran:
A) SCENARIO 1 :MADAXWAYNE MUCAARID AH : Waxa suurta gal ah in Xisbiyadda Mucaaridku ku dhawaaqaan Madaxwayne ka tirsan mucaaridka , ayagoo u arkaa inay haystaan kalsoonida shacabka .
B) SCENARIO .11 : MADAXWAYNE BEELEED: Waxa soo if-baxay dhaq-dhaqaaq la nooc ah dhaq-dhaqaaaqi Garadag ee Madaxwayne Siilaanyo dhagax-dhigay.Waxa suurta gal ah in shirkii GARADAG mid la mid ah la qabto, oo lagu dhawaaqo “MADAXWAYNE BEELEED”
C) SCENARIO 111 “ TAHRIIR SQUARE. ‘” waxa dhici karta in dadwayne gadoodsani daaqadaha ugu daataan “QASRIGA MADAXTOOYADDA ”, sharcigana gacantooda ku qaataaan.
Hadaba si aanay Somaliland u gelin qalalaase siyaasadeed, waxa la gudboon Madaxwayne Siilaanyo inuu doorashada ku qabto waqtigii loogu talo galay, nasiibkiisana ka qaado doorasho xor ah oo xalaal ah.
Wa bilaahi Towfiiq., Toronto.
Ali Ibrahim “ Baqdaadi”