|

Maraykanka iyo Qaarada Africa oo Ku Shiraya Magaalada Washington iyo Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay

Washington 04.Aug 2014 (SDN/QJ)- Hoggaamiyeyaasha waddammada qaaradda Afrika iyo Maraykanka ayaa shir socon doona 3 cisho wuxuu maanta uga furmay magaalada Washington ee carriga Maraykanka.

Washington-2-300x201Shirka waxaa looga hadlayaa sida ugu wanaagsan ee ay dhinaca horumarka isaga kaashan karaan waddammada qaaradda Afrika iyo Maraykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan sheekh Maxamuud oo kamid ah madaxda ka qayb galaysa shirka oo shir jaraa’id ku qabtay Washington ayaa sheegay in arrimaha looga hadlayo shirka ay ka mid tahay xal u helidda mushkiladaha Soomaaliya, uuna ka jeedinayo qudbad uu uga warbixinayo danaha dalkiisa ee shirka.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in shirku ahmiyad weyn u leeyahay horumarka qaaradda Afrika, sidaa darteedna uu kulammo gaar gaar ah la yeelanayo madax kala duwan oo ka qayb galaysa shirka.

Shirka oo ah kii ugu horreeyey looga hadlayo horumarinta iskaashiga Afrika iyo Maraykanka oo lagu qabto dalka Maraykanka, ayaa waxaa ka qaybgalaya 50 madaxweyne oo Afrikaan ah,  madaxweynaha Maraykanka iyo maalqabeenno ka kala socda waddammo kala duwan.

Washington SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed