Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud Silaanyo oo la kulmay gudida kulmiye ee uk halkan ka daawo sawiro
London 31July14(SDN/QJ/ Madaxweynah somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa kulan balran la yeeshay gudida kulmiye oo kaas oo ka dhacay magaalada london kulankaas oo ahaa mid qiimo badan, Waxa looga hadlay arimo door ah oo ku saabsan xisbiga iyo xukuumadii ka dhalatay halka ay hawshoodu marayso iyada oo aad loo lafa guray wax qabadkii xukuumad iyo xidhiidhka qurba joogata, tageerayaasha kulmiye waxaa laysla qiray in wax badan xukuumadu qabatay waxii ka dhimana ay fulin doonto lana adkeeyey xidhiidhka kulmiye iyo xukumadiisu la lee yihiin dhamaanba bulshada iyo taageerta xisbiga taasoo ay ka hadleen madaxda Uk ee kulmiye iyo madaxweynah iyo wasiirka waxbarashada Samsam waxaana aad iyo aad laysugu af gartay dhamaanba wax yaabihii laysla soo qaaday taasi waxay daliil u tahay in xisbiga kulmiye iyo madaxdiisu ay mar walba heegan u yihiin wada tashi iyo wada xaajood iyagoo ka duulaya maxaa idiin qabsoomay maxaa idinka dhiman waana wax yaabah ay dimuqraadiyadu farayso xusbiga iyo xukuumadiisa taas oo uu xisbigu caan ku yahay dhamaanba waxaa farxad ku soo dhamaady kulankii maanta oo runtii kulan taariikhiya ahaa iyadoo madaxweynahuna uu mar walba heegan u yahay xusbigiisa iyo bulshada reer somaliland gabagabadii ayaa madaxwaynahu u mahad celiyeey gudida uk ee xisbiga kulmiye
Halkan ka daawo sawiradii kulanka madaxwaynaha