Ganacsigii Bakaaraha Oo Istaagay iyo Ciidamo Xooggan Oo Suuqa Gudaha u Galay
Muqdisho:July,31,2014(SDN/QJ)-Suuqa ugu weyn Magaalada Muqdisho ee Bakaaraha, ayaan saaka wax ganacsi ahi ka soconin, waxana baadhitaanno laxaad leh ka wada Ciidamo Xooggan oo AMISOM iyo kuwa Dawladdaba iskugu jira.
Wadooyinka waaweyn ee laamiyada ah ee hareeraha ka mara Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa dhooban ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Midowga Afrika iyo ciidamada Dowladda oo ganacsatada udiiday inay gudaha u galaan Suuqa Bakaaraha.
Gabi ahaanba waxaa xidhan wadada wadnaha oo ah halbowlaha wadooyinka Magaalada Muqdisho oo ay si aad ah u isticmaalaan dadka iyo gaadiidka galaya Suuqa Bakaaraha.
Ciidamada Nabadsugida, Booliiska iyo kuwa Milateriga ayaa gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha waxa ay ka wadaan baadhitaano lagu baadigoobayo hub iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay inay suuqa Bakaaraha ku sugan yihiin.
Shalay Suuqa Bakaaraha waxaa lagu dilay labo xubnood oo ka tirsanaa amniyaadka Al-Shabaab oo nin Askari ahaa suuqa ku dilay, kadibna lagu dilay halkaasi.
Wadooyinka kale ee maanta xidhan waxaa kamid ah wadada Baar Ubax, Black Sea, Al-Baraka ilaa Isgoyska Shiirkoole, goobahaasi oo dhan ciidamada Dowladda ayaa ku sugan oo xidhay.
Ilaa hada lama ogo howlgalkaasi cida lagu soo qab-qabtay iyadoo aanay ka hadlin Saraakiisha howlgalka wada arimahaasi.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com