Koox uu ku Jiro Fududeeyihii Weerarkii Madaxtooyada Oo Dil Lagu Xukumay
Muqdisho:July,31,2014(SDN/QJ)-Saddex Dhallinyaro ah oo uu hormood u yahay ninnkii fududeeyey weerarkii dhawaan kooxda Al-shabaab ay madaxtooyada ku qaadday, ayaa maxkamadda Derejada koowaad ee Ciidanku ku qaadday xukunno isku jira dil iyo xabsi daa’im.
Saddexda eedeysane ee shalay Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida la horgeeyay oo lagu kala magacaabo Xasan Maxamed Xasan oo ahaa Maskaxdii Al-Shabaab u fududeyey weerarkii Madaxtooyada lagu qaaday, iyo Aadan Maxamed Xasan iyo Bashiir Xasan Maxamed oo ah kuwii dhawaan degmada Wadajir ku dilay Allaha u naxariistee Maxamed-deeq Cabdi Aadan oo ahaa xisaabiye Idman oo ay Wasaaradda Maaliyadda u soo xilsaartay Wasaaradda Warfaafinta.
Aadan Maxamed Xasan oo ka mid ah labada eedeysane ee loo haystay dilka Maxamed deeq iyo xubno kale oo ay hore u dileen ayaa Maxkamadda ka hor qirtay in uu gacantiisa ku dilay 19-qof oo ay ku jireen Maxamed Deeq, Xildhibaan la oran jiray Cabdicasiis, Xaawo Aadan iyo Xafso Cabdi Nuur halka uu gacan ka geystay dilkooda 13-kale oo isugu jiray shacab iyo ciidan, taasi oo wadarta guud noqoneysa 32 qof oo la dilay.
Maxkamadda ayaa markii ay dhageysatay dacwadda waxa ay sheegtay in Aadan Maxamed Xasan oo ahaa kii maxkamadda ka hor qirtay in uu dilay dad aad u fara badan iyo Xasan Maxamed Xasan oo ahaa dhagar qabihii Madaxtooyada gacan ku siiyay weerarkii Al-Shabaab ee lagu qaaday xarunta Madaxtooyada Qaranka waxaa lagu xakumay dil toogasho ah, halka Bashiir Maxamed Xasan lagu xakumay xabsi daa’in ah sida uu ku dhawaaqay Afhayeenka Maxkamadda Cabdullaahi Maxamed Muuse “Keyse”
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com