|

Weerar qorshaysan oo Xalay Lagu Qaaday Xarunta Wargeyska Ogaal Ee Hargeysa

Hargeysa:July,31,2014(SDN/QJ)-Waxa Habeenkii xalay  kooxo  dhallinyaro ah oo abuubulani ay weerareen Xarunta Wargeyska Madaxa Bannaan ee Ogaal ee Magaalada Hargeysa, iyagoo hanjabaad iyo handidaad u geystay shaqaalihii halkaas joogay.

wargeyska-Ogaal-maalinle-madax-bannaan-300x225Sida ay qurbejoog.com u sheegeen hawlwadeenada wargeysku, waxa kooxdaas oo intooda badan wajiya-yadooda la aqoonsaday ay halkaas ka akhriyeen hadallo deelqaaf ah oo ay wax kaga sheegayaan shaqaalaha iyo madaxda  Wargeyska, iyagoo si gaar ah ugu hanjabay Tifaftiraha Guud ee Wargeyskaas Cabdifatax ismacil Caarshe oo ay ugu hanjabeen in Haddii uu joojin waayo warar ay sheegeen inay xukuumadda ka soo horjeedaan ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Shaqaalaha wargeysku waxa ay sheegeen inay  badi dadkii xarunta weerarka ku soo qaaday ay aqoonsadeen, isla-markaana ay raggaasi u badnaayeen rag xukuumaddu u adeegsato marka ay doonayso inay hawlo gaar ah u fuliyaan.

Ragga weerarkan  soo qaaday ayaa la sheegayaa inay si qarsoodi ah u hubaysnaayeen oo  hub qarsoon siteen, balse aanay jirin wax ka muuqday .

Waxa ay Hawlwadeenada wargeyska oo markaas meesha ku sugnaa hadallo deelqaaf ah ku akhriyayeen muddo badan, iyagoo markii dambena u sheegay inay si degdeg ah u joojiyaan Waxyaabaha ay dawladda ka qorayaan haddii kale ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Weerarrada xilliyada habeenkii  lagu qaadayo xarumaha Wargeysyada ama xarumaha warbaahinta ayaa intii xukuumaddan Kulmiye jirtey iska caadi ka  noqday dalka, waxana Haatan ka hor habeen madow la weeraray oo walliba dhaadhacyo loo geystay Xarunta wargeyska Xayiran ee Hubaal, iyadoo aan ciddii weerarkaas Fulisay oo xilligaas la qabtay aan wax tallaabo ah laga qaadin.

 

Cabudhinta iyo cadaadiska saxaafadda Madaxa BBannaan  ee Somaliland saaran, ayaa haatan gaadhay halkii ugu sarraysay, waxana Haatan jira Tiro saxafiyiin ah oo xukuumaddu xabsiyada dhigtay, iyadoo ku eedaynaysa inay ka hor yimaadeen hannaankeeda maamul.

 

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed