Muqdisho 25 Sanno ka hor iyo Xusuustii Xasuuqii Jasiira Iyo Muuse Faarax Jaanbiir
Hargaysa 31.July 2014 (SDN/QJ)- Shabakada Wararka ee Qurbejoog.com waxay qeybtan idinku soo gudbinaysa qeybtii sadexaad ee warbixinta uu Guddoomiyaha Wargeyska Ogaal Muuse Faarax Jaambiir ka diyaariyay 25 sanno ka hor xasuuqii Xeebta Jasiira,
Hadaba waxaanu halkan idinku soo gudbinaynaa qaybtii 3aad, waxaanay u dhignayd sidan:
Xasuuqaa fool xumada ahaa wuxuu ka dhacay caasimad ay joogeen madaxdii dawladaa oo dhami Madaxweyne ilaa kii u hooseeyay. Wuxuu dhacay iyadoo aan wax dagaal ahi ka jirin xamar. Laakiin waqtigaa goboladda woqooyi(Somaliland) waxa lagu naafeeyay ciidankii rajiimkaa, quustii iyo cadhadii jabkaasina waxay gayaysiisay nidaamkii jiray niyad xumo iyo burbur aakhirkii sababtay in taladda laga tuuro. Hase yeeshee, xasuuqii Jasiira ma aha dhacdo qiil loo helayo ee wuxuu ahaa jariimad loo badheedhay, raggii jilayaasha ka ahaa ee loo aanaynayayna qaar ka mid ahi weli way nool yihiin. Isla markaana midna maxkamd lama taagin, balse waxa xaqiiqa ah denbiiluhu haddii uu ka baxsado ciqaab aduun, in aanuu seegaynin aakhiro xisaabta Alle. Col. Ibraahim xasan Barre oo magaciisu ku xardhan yahay dhagartaa ayaa isna dhiniciisa dhawr goor ka hadlay dhacdadaa, faahfaahina ka bixiyay gacmihii wadaaga ku ahaa xasuuqaa isirka ku salaysnaa. “ Kacdoonkii Jimcihii 14July dhacay wuxuu ahaa kacdoon magaaladda gil-gilay oo Soomaalida mucaaradka ahi u dhamayd. Markaa, kacdoonkii maalintii iyo habeenkii ba lagu kala eryay. Sidaa darteed, arrinta Jasiira waxay dhacday habeenkii sadexaad, waxayna ka dhacday xaafadda Buulo-Xuubbeey loo yaqaano oo xaafad aad u wayn ah. markaa siday u dhacday Soomaalidu wax bay isku celcelisaa, waxaan gelayaa markaa ciidanka fuliyay, balse qaab dhismeedka Ciidanka horta aan wax yar ka idhaahdo”. Sidaa waxa hadal dheer oo uu siiyay Mareegta wararka Internetka ee Ramaasnews ku bilaabay ninka magaciisu caanka ku noqday xasuuqaas ee ku suntan Col.Ibraahim Cali Barre(Canjeex) oo haatan ku nool dalka Holland. Hase ahaatee Col.Canjeex wuxuu sheegay in marar kala duwan loo dili gaadhay arrintaa, isla markaana wuxuu ku dooday in laftiisu uu doonayo xaq-soor uu dhacdadaa ka helo. Habeenkaa Col.canjeex wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ka doobyaysay xaafada Buulo-xuubeey ee hormoodka ka ahayd hawl-galkii ururinta raggaa. hase yeeshee, dhiniciisa hadalkiisu wuxuu u dhadhamayaa nin dood badan qaba, mar uu ka hadlayay hordhacii dhacdadaa wuxuu yidhi; “Ciidanku wuxuu ka bilowdaa Unug oo 11-nin ah. Hurin, waa 110-nin, waxa xukuma Xidigle. Urur, waa 632-nin, waxa Taliye u noqda Gaashaanle Sare. Waxa ku xiga Guuto, waxay ka kooban tahay 2-kun oo nin, waxa xukuma Sareeye-guuto, Abaan-duulena kornayl baa ka noqda. Hadii Sareeye-guuto la waayana Gaashaanle sare laftiisu taliye ayuu ka noqon karaa. Halkii aan kaga jiray arrintaa si aan u cadeeyo iyo ciidankii waajibkaa fuliyay si aan u cadeeyo ayaan u sharaxayaa qaab-dhismeedka ciidanka. Gaasku markuu dhan yahay waa 16-kun oo nin, laakiin markuu yahay ciidamadda khaaska ah ama ciidan caadiya waa 8-kun oo nin, markaanuu ahayn Gaas buuxa ee laga reebo, Guutada Taangiyada, Guutada Madaafiicda iyo wixii la jira ee khaas ah. markaa ciidankii arrintaa galayna wuxuu ahaa Gaas. Habeenkii Gaaskaasi uu fulinayay hawsha, Anigu waxaan joogay Guuto 2-kun oo nin ah oo buuxday,waxaanay ahayd Kaydka Wasaaradda Gaashaandhiga, toos waxaanu u hoos tegi jiray Wasiirka Gaashaan-dhiga, markaa waxa joogay Maxamed Cali Samatar”.
Col.Canjeex wuu sii waday dooddiisa. Wuxuu intaa ku ladhay oo uu yidhi; “Ka soo qaad ciidankii koofi-casta ahaa ee habeenkaa arrintaa fuliyay in Gaasku dhamaa 8-kun ama 4-kunba ka soo qaad, balse, Aniga qiyaastaydii habeenkaa ciidankii hawsha fuliyay kun nin ayuu ahaa. Ma soo tirin, laakiin waa qiyaas, intaa waxa weheliyay, Sirdoonkii ciidamadda ayaa weheliyay, illayn, Gaasku ma yaqaan magaalada’e, raggii magaaladda kala yaqaanay ee dadka kala yaqaanay baa weheliyay oo dhar cad ahaa. Aniga iyo Ina Wilad nin la yidhaahdo oo Gaashaanle dhexe ahaa, Maxamed cabdullaahi baa la dhahaa, waa nin Habar-jeclo ah oo Cimraan ah, baa waxa ila soo xidhiidhay abaara 12:00-habeenimo Maslax Maxamed Siyaad. Taliyuhu wuxuu igu yidhi waxaad tagtaa Hotel Daameey, halkaa rabshaa ka jirta tag buu I yidhi. markaa waxaan soo qaadanay xoogaa yar oo ciidan ah, ma aqaano sadex Baabuur in aanu ahayn. waxaan u tagnay Daahir Cali Daameey, waxaanu nagu yidhi, wax rabsho ahi kama jiraan meesha. Dabadeedna, waan la hadlay Taliyihii, waana u sheegnay in aan rabshadi ka jirin halkaa. Kadib wuxuu nagu yidhi Tarabuunka taga, halkii baanu tagnay, weli maanu badnayn, taqriiban kowdii habeenimo markay ahayd, ayaa Gaaskii oo socda, Sirdoonkiisii iyo saraakiishiisii noo yimaadeen, horay baanu u raacnay, sidaas baanu markaa Buulo-xuubbeey ku tagnay”.
Habeenkaa Xaafadda Buulo-xuubeey waxay u ekayd xero Milateri. Saraakiisha joogtay tiro ahaan ma yarayn. Col. Ibraahim Cali Xirsi(Canjeex) oo ah ninka naanaysta kula baxay xasuuqaasi, oo la waydiiyay inuu hogaaminayay hawlgalkaa qabqabashada wuxuu ku jawaabay,“Meesha(Buulo-xuubeey) waxa joogay Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed Maslax Maxamed Siyaad, waxa la socday Admiral Siciid Cabdale oo ahaa taliyaha ciidanka Badda, waxa la socday Taliyihii ciidanka Cirka, Taliyihii hawl-gelinta Wasaaradda Gaashaan-dhiga, Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Cali Samatar xataa inuu la socday baan filayaa, maxaa yeelay baabuurkuu ku jiray, nimanku Toban daqiiqo ayay amarka ku bixiyeen, waa cararayeen nimanku. Markaa anigu iyagaan u imi, maxaa yeelay Saraakiisha kale awelba way wada socdeen iyagu. Markaan u imi, waxay igu yidhaahdeen, dhaliyarada halkaa rabshada ka samaynaysa ee reer Woqooyiga u badan baa la raafayaa oo Dhanaane(xabsi) ayaa la gaynayaa. Joog bay igu yidhaahdeen Adigu meesha, markaa meeshii Kornaylo ayaa isugu hadhay. Diiriye Xirsi oo Gaaska watay, Axmed Nuur Xasan (dhega-bacayr) oo isna Gaashaanle sare ah. markaa danbiga waxa loo raacdaa amarka ninkii bixiyay, maxaa yeelay ciidanku amar buu ku shaqeeyaa. Markaa amarka waxa bixiyay wasiirka Gaashaandhiga Maxamed C Samatar, Taliyaha Xoogga Maslax Maxamed Siyaad iyo Taliyayaashii qaybaha ciidanka, wixii denbi ah ee ka dhacayna Iyaga ayaa leh”.
Waxa dhacay oo ka dhacay xaruntii wadanka oo indhihii caalamku wada eegayeen denbi loo arko in faraha la wada geliyay oo wadaag lagu ahaa. Dabcan, qadar dhacaya oo waqtigiisii dhan yahay lama baajin karo,ajal madhatayna lama oolin karayn, balse, wixii la falay wuxuu ahaa Xasuuq dhawr iyo labaatan sano kadib weli xaqsoor caalami ah u baahan. ~Dilkani mid gaar ah buu ahaa,Qaran dhisan oo xuduudihiisii dhisan yihiin dhexdiisuu ka dhacay. waxaa jooga ragii xukumay baa jooga hada, inkastoo oo uu ahaa ninkaasi(Maslax) Taliyaha Xoogga, awood badana uu haystay, waxaa jooga Axmed Saleebaan Dafle,waxaa jooga Maxamed Cali Samaatar, waxaa jooga Shantii GolahaSare wixii ka nool. wuxuu ahaa fal ka dhex dhacay Qaran caasimadiisii oo lagu dilay 40 km meel u jirta magaalada 46 nin soomaaliyeed. Markaa, wax qarsoomi kara ma ahayn horta”. Ayuu yidhi Col. Canjeex. Xogihii ugu danbeeyay ee uu Canjeex siiyay Tifaftiraha Shabakada Ramaasnews oo daba galay kiiskan, wuxuu ku sheegay inuu diyaar u yahay in maxkamad la taago, isla markaana wuxuu farta ku fiiqay Maslax Maxamed Siyaad oo ahaa Taliyihii ciidanka iyo masuuliyiin kale ee ugu saraysay dawlada ee bixiyay una kala danbeeyay kala qaadashadii amarkii dilka.
Waxa xamaantoodii urursaday Safaaradihii iyo Diblomaasiyiintii shisheeye oo aad ula yaabay falkaa xasuuqa ah ee ka dhacay Caasimadii Jamhuuriyaddaa. Maxamed Siyaad Barre iyo gacan yarayaashiisii kamay hadlin fashilaadii fadeexadaa, sababtoo ah waxay taariikhdu tilmaamaysaa in aanuu jirin dariiq u furaa oo ay ka hadalka dhacdadaa u mari karayeen. Waayo, ma jirin daacadnimo, talladooduna way qal-dhabaysay oo waxay gashay waqtigii sakaraadka. Sidaa aawadeed, Xasuuqaasi wuxuu u quus-gooyay cid kasta oo ka fekeraysay in wax la badbaadin karo. isla markaana waxa cadaatay in aanuu Maxamed Siyaad Barre ka tegaynin Muqdisho oo caafimaad qabta.
Ka hor maalintii xasuuqaasi dhacay, waxa 27 iyo 31 May1988 qabsaday magaalooyinka waawayn ee goboladii woqooyi(SL) xoogagii ururkii SNM oo weerar filanwaa iyo miidaamo ahaa soo qaaday, sidaana ku qabsaday, gaar ahaan Hargeysa iyo Burco. Hawlgalkaa kediska ahaa ee SNM, waxa kelifay heshiis Mingiste iyo Barre oo markaa kala xukumayay Somalia iyo Ethophia ku gaadheen Jabuuti. Waqtigaas labada talisba way taagdareeyeen, waxaanay is tuseen in heshiis ay gaadhaan uu ku sii negayn karo talada. Sidaa darteed, SNM way khamaartay. Waxay ciyaartay mid mucjiso lagu tilmaami karo oo aan horeba maanka ugu soo dhicin. Rag ciilkii cadaab ka dooray ayaa xaalkoodu noqday. Dhankay u dhacdaba rag calool adaygeeda leh ayay ahaayeen. Way soo xeroon oo silic dil ayay ku daynbayn doonaan mooyee, si kalay u dhici laysma lahayn. Hase yeeshee SNM khamaarkii ay cayaartay way ku guulaysatay oo waxay ugu dhacday dhankay rabeen, taasina waxay meesha ka saartay heshiiskii. Hadaba, markii taasi dhacday Siyaad Barre wuxuu waajahay xaalad qalafsan oo aanuu halkanba soo dhigan. Umuu muuqan Nin xal raadis ah, balse, hadana, waxay tallo ka noqotay inuu hor-fadhiisto wixii Qabaa’ilka Isaaqa markaa dawladiisa kaga jiray ee Muqdisho joogay.
Markii dhacdooyinkaa hore ee guda-galka SNM dhaceen, madaxdii Isaaqa ee dawlada ku jirtay ee uu u yeedhay, isla markaana,caasimada Muqdisho ku sugnaa markii Xasuuqa Jasiira dhacay waxa ka mid ahaa,Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ee xiligan Saleebaan Maxamuud Aadan oo ka tirsanaa golihii Wasiiradda iyo rag kale. Hadaba, mar aan 2007 kula kulmay gurigiisa magaaladda Hargeysa, waxaan wax ka waydiiyay saamayntii dhacdooyinkaa kala duwanaa ku yeesheen raggoodii madaxda markaa ahaa ee ku sii hadhsanaa golihii rajiimkaa. “Horta soo gelitaankii SNM 1988-kii, Anagoo dulawnay oo gumownay ayaa horta la soo galay. Markaa Caafimaad iyo qiimayni noogamay horayn markii magaalooyinkii Waaweynaa la qabsaday. Dabadeed markaas ayuu is-yidhi halkeed ka doontaa Reerkii aad isku dhacdeen ee aad xumaysay. horta isagaa(M.S.Barre) dee markaa noo yeedhay, xagee wax ka qabanaa, sidee loo helayaa, ordoo Reerihii ka daba taga ayuun bay ahayd wixii uu noogu yeedhay oo soo celiya. Laakiin, talo-ba faraha noogumay jirin, Maalintay taladu faraha noogu jirtay waa kii na diiday, 1983 iyo 1985-kii waa kii na diiday. Markaa, markii uu jilcay uun buu noo yeedhay, Anagase markaa wax faraha noogu jirayba may jirin. Sidaa aawadeed, meesha qudha ee noo furnayd haddii wax la qabanayo oo wanaag dhacayo, Niman kii SNM Madaxda u ahaa oo lala xidhiidho oo la wada hadlo ayuun baa hadhsanayd. dee Anaguna wax aanaan qaban karayn isku maanaan taari karayn, markaa waxaanu ku nidhi orod oo nimankii(SNM) doono. nimankii aad odhan jirteen Shantan wiil ee kornaylada ah miyaa la soo qaban kari waayay ama Shan ama kun ha ahaadaane, Iyagay talo fadhiisataye dee doon. horta Anagu halkaas baanu iska taagnay. waxa kale oo aanu ku darsanay may jirin, isna(Siyaad Barre) ka bacdi noomuu yeedhin, Anaguna(Madaxdii Isaaqaee dawladda ku jirtay) waanu xorownay oo waanu seexanay”.
Saleebaan Maxamuud Aadan wuu sii watay hadalkiisa, waxaanuu intaa ku daray oo uu yidhi;
“Berigaa Isagu(Siyaad Barre) intayadii joogtay cidna kamuu tegin, mid Isagaay isku dhadhawaayeen iyo mid ay SNM isku dhadhawaayeen umuu kala soocin. Raggii noogu madaxsanaa dee Axmed Maxamuud faarax iyo Maxamed Xawaadle Madar ayaa ka mid ahaa, waxayagii cidhifka kale joogay iyo wixii kaleba wuu u wada yeedhay, dee markaa waxay noqotay in la yidhaahdo waar heedhe nimankii doono(SNM) oo wada hadla. ninku noo soo maray ee noo soo dirayna, muu ahayn Axmed Maxamuud Faarax iyo Ina Xawaadle toona, Anagu wasiiro iyo wasiiro ku-xigeeno ayaanu ahayne, wuxuu noo soo diray markuu noo yeedhayay Axmed Sheel. waxba kamay qabsoomin kulankaa runtii. Markii aanu jawaabtaa siinayna, waan yeelayaa buu noogu jawaabay oo nagu yidhi(Siyaad Barre). laakiin isna niyad kamay ahayn oo ma doonin, Iyaguna(SNM) maalintaas oo kale maalintii ay u iman lahaayeen may ahayn”.
Dhanka kale, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo siyaasiyiin kale oo uu ka mid ahaa, Cismaan Jaamac waxay ka soo goosteen taliskaa oo ay ka soo carareen Caasimada Muqdisho, xasuuqii Jasiira kadib. Sidaa darteed, Md,Saleebaan Mxamuud Aadan oo aan wax ka waydiiyay dhacdadii xasuuqaas iyo in is-arag arrintaa la xidhiidhay uu dhex maray dhinacooda iyo Gen.Barre, wuxuu ku jawaabay;
“Maalintaa xasuuqa Jasiira dhacay waa layska kala tegay. Maalintaa anagana(madaxdii Isaaqa ee dawlada ku jirtay waqtigaa) wax uu noogu yeedhaa may jirin, Isaguna Isagoo xasuuqaa dhigay oo dhawr iyo afartan Raggii xooga Isaaqa markaa ahaa, ka u wayn ayaa malaha raggaa afartan jir ahaa, Odayna lama doonan, Ilmo yarna lama doonane, raggii markaa uu is lahaa waa xooggii, maskax iyo muruqba bay ahaayeen ragga la xasuuqay. Dee, markaa, wax laysugu yimaadaaba may jirin, wax uu noogu yeedhaana meesha ma ool”.
Hargaysa SDN/QJ