|

Yuhuudda Oo Dhegaha Ka Furaysatay Xabad-joojin Qaramada Midoobay Soo Jeedisay iyo Dagaalkii Labada Dhinac Oo La Filayo Inuu Dib u Bilaabmo

Tel Aviv:July,2014(SDN/QJ)-Ka dib markii ay Dhamaadeen muddo 24-saac oo Yuhuudu duqayntii qaza joojiysay, ayuu Ra’isalwasaaraha Yuhuuddu Baynymin Netanyahu iska diiday xabad-joojin rasmi ah oo la galo.

mooWaxaa la filaya daqiiqadaha soo socda inay 2-da dhinac isku bilaabaan,iyadoo Isreal sida caadada u ah la filayo inay Caruurta,Haweenka iyo Isbitaaladda weerarto si ay Xamaas ugu qasbaan inay is-dhiibaan,waxaana la isku raacay inay adag-tahay Xamaas inay Calan-cad qaataan oo isku dhiibaan Cadowgooda isreal.

Qaramada Midoobay ayaa dedaal u gashay sidii dagaalka loo joojin lahaa,waxase Arrintaas gaashaanka u daruuray Isra’il oo iyadu damacsan inay sii waddo xasuuqa reerFalastiin.

Dagaalka labada dhinac ayaa muddo dheer soo socday, waxana uu keenay dhimashada Tirooyin badan oo labada dhinac ah inkastoo ay Falastiiniyiintu ku le’deen Dayuuradaha Yuhuudda, halka ay Xamaasna cagta marisay Ciidamo Afenteri ah oo isku dayey inay Lug ku soo galaan Qaza.

Labada dhinac ayaa diyaar u ah  dagaal sii socda, waxana la filayaa inuu saacadaha soo socda bilaabmo duqayntii Isra’il iyo jawaabihii gacnaalaha ahaa ee    Xamaas kaga jawaabi jirtey.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed