|

Muhaajiriin Soomaali ku jirto Oo Australia Lagu Gubay

Melbourne:July,29,2014(SDN/QJ)-Ciidanka ilaalada Xeebaha Dalka Australia ayaa lagu eedeeyey inay Tacaddiyo u geysteen Muhaajiriin soomaali ku jirto oo dalkaas u socday.

rtDadka la sheegay inay ciidamada Ilaallada Biyaha Autralia Dhibka gaadhsiiyeen, ayaa tiradadooda lagu sheegay afar qof, iyadoo lab aka mid ahna lagu sheegay innay soomaali ahaayeen.

Dadkan ayaa kamid ahaa koox muhaajiriin ah oo ciidamada waydiistay badbaado balse kala kulmay arrin la la yaab leh, taas ahayd inay Gacmaha ka Gubaan.

Ciidamadii u soo gurmaday ayaa kula dhaqmay si ka baxsan bina’aadanimada, iyagoo u diiday inay isticmaalaan musqusha, kuna qasbay inay istaagaan qoraxda oo aad u kululeyd.

Caddeymo la xidhiidha sheegashooyinkaas ayaa hadda isa soo taraya kaddib markii gabadh iyo wiilal Soomaaliyeed ay u suurta gashay in ay duubaan sida ay wax u dhaceen.

Australia ayaa ah Dalka ay hamuun weyn uqabaan muhaajiriinta caalamku inay Galaan, waxase ay aad u diidan tahay in dalkeeda ay cidi soo gasho, iyadoo dhawaan Kiraysatay Jasiirado lagu beero dadka soo galeetiga ah ee  lagu qabto sharcidarrada.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed