|

Cabasho Xooggan Oo Ciidanka Ilaalada Nabadgelyada Waddooyinku Ka Sheeganayaan Dhiggooda Qalabka Sida

Muqdisho:July,29,2014(SDN/QJ)-Ciidanka gaarka u ah ilaalinta Nabadgelyada waddooyinka ee Magaalada Muqdisho ka Hawlgala, ayaa si weyn uga Cabanaya Dhiggooda Qalabka sida ee Waddooyinka Muqdsiho isticmaala.

taraafiTaliyaha Ciidamada  Ilaalada Wadooyinka  Soomaaliya  Cali Xirsi Barre”Cali Gaab”oo la hadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa ay wataan Saraakiisha Dowladda aanah Xushmeyn Ciidamada ilaalada Wadooyinka ee taagan Jidadka islamarkaana ay Xoog  iyo Amar la’aan ay ku maraan Wadada.

Cali Xirsi Barre (Cali-Gaab) ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay qaataan Amarka Taraafikada ay siiyaan,taas oo wax laga Xumaado ay tahay in Dadkii Dalka u Dhashay ay Sharciga Diidaan.

Taliyaha Ciidamada Ilaalada Wadooyinka ayaa sheegay in Xili adag ay ku shaqeeyaan oo Ciidamada Taraafikada oo wata Ul iyo Firinbi ama Siidhi ay beegsi ku hayaan Maleeshiyada Al-shabaab,sidaasna  loogu daray in Shaqadooda la dafiraa.

Ciidamada Ilaalada Wadooyinka Soomaaliya ayaa Bishii Ramadan waxaa Al-shabaab ay ka dileen ilaa Shan Askari,iyadoo ay Dilka u dheertahay in aan la qaadan Amarada ay Dhiibaan.

Saraakiisha Nabadgelyada waddooyinku ma jiraan cid aan ahayn ciidamada Dawladda Federalka u qaabilsan ilaalinta Ammaanka Guud oo ay ka cabanayaan, waxana ay  ka mahad sheeganayaan Gebi ahaanba shacabka somaliyeed oo ixtiraam ballaadhan u haya.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed