Xoghayaha kaluumaysiga iyo khayraadka bada ee xisbiga UCID oo mar kale ka hadlay sharkado qarsoodi loola saxeexanayo khayradka Bada
London July 28,2014(SDN/QJ)Qoraal uu dhawaan na soo gaarsiiyay Xoghayaha kaluumaysiga khayraadka bada ee xisbiga ucid Cabdilahi Cumar Xuseen Shaqale ayaa waxa uu mar kale uga waramay xaalada kheyraadka dalka oo ay xukuumadu ku tagri faleyso,qoraakiisuna waxa uu u qoraa sidan;
“Waxaan halkan ka salaamaya warbahinta Somaliland Iyo dhamaan shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogan Waxaan leeyahay kulu caam wantum bikhayr iyo ciid mubarak .
Waxana halkan canbarayn uga dirayaa Madaxda Somaliland oo aan leeyahay halaga daayo sida Qarsoodiga ah ee heshiisyada loola galayo shirkadaha tuugta ah ee khayraadka Dekedaha iyo Badaheena Xalufinaya.
Waayo hore ayeynu u soo aragnay qaar hore si qaldan looga saxeexday waxii ay ku dhamaatayna waad ogtihiin, waxa layidhi wixii qalad lagu galaa qalad ayey ku dhamaaan, wayo waxay khatar ku tahay Dadka iyo Degaanka ku nool bada gudeheeda iyo Barigeda, waxa kale oo aynu ognahay khatartii ka dhalatay Suntii lagu shubay badaha Taas oo ilaa hada ay socoto dhibteedu.
Waxa shacaka reer somaliland u shegayaa inay ka fojignadaan Arimaha hada ka socda Xukumada Kulmiye oo wasiradeedu ay heshiisyada la galayaan dawladaha aynu jaarka nahay iyada oo aan barlamaanka la soo marin waxana leyahay waxii heeshisyo ah waa in la horegeyo golaha wakiilada si uu u noqdo wax sharciga wafaqsan/
ABDILLAHI OMAR HUSSEIN (shaqale)
shaqale101@hotmail.co.uk
Xoghayaha kaluumaysiga iyo khayraadka bada ee xisbiga ucid