Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Khudbad Dhegaha Shacabku u riyaaqeen kaga Hadlay Xasuuqa Yuhuudu ku hayso Dhulka Amran ee Qasa
Hargaysa 28.July 2014 (SDN/QJ)- Xukumadda Somaliland ayaa markii u horaysay si adag u cambaaraysay Weerarada iyo Dilka foosha xun ee Yuhuudu ku hayso Shacabka Reer Falastiin.
Madaxweyne xigeenka Somaliland, ahna kusimaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Saylici ayaa Shacabka Somaliland u soo jeediyay in dhibta lala dareemo Muslimiinta Falastiin.
“Sida aynu la socono shacabka reer falastiin oo dad muslimiin ah waxa ku socda xasuuq, waxaanu aad u canbaaraynaynaa falalka ay yuhuudu kula kacayso shacabka reer Falastiin.Waxaynu nahay dad Muslimiin ah, waxaa inagu waajib ah inaynu dhibaatada la dareeno. Waa dad muslimiin ah oo walaalaheen ah, waynu u ducaynaynaa in Illaahay dhibaatada ka dul qaado ayuu yidhi Madaxweyne xigeenka oo Dadweynaha kula hadlay Salaadda Ciida.
Madaxweyne Xigeenka Somaliland waxa uu ku baaqay in dadka Shacabka ah laga daayo Diyaaradaha iyo Dabaabadaha lagu duqaynayo, islamarkaana aanay Caalamku iska indho tiring xasuuqa Yuhuudu wado.
“Waxaan leenahay dadka maatida aan waxba galabsan ee lagu garaacayo diyaaradaha iyo debaabadaha ha laga daayo,waanan ka soo hor jeednaa, waxaanan leenahay ha laga daayo dadka maatida ah dilka foosha xun ee loo gaysanayo . Beesha caalamka waxaanu leenahay yaan layska indho tirin dulmiga socda ee umada reer falastiin lagu hayo”
Israel ayaa Xasuuq Qaawan ka wada Marinka Qaza, kaasi oo ay ku dhinteen Falastiiniyiin ka badan 1,200, waxaa ku dhaawacmay inka badan 6000. Israel waxaa kaga dhintay 43 Qof oo laba ka mid ahi Shacab yahay inta kalen Askarta dagaalka ku jirta ay ka tirsan sihiin.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com