Gaas”Way naga go’an tahay in la hirgaliyo dimoqraadiyad ‘
Garowe 28.July 2014 (SDN/QJ)- Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maanta khudbadda ciida kasoo jeedyay garoonka kubadda Cagta Mira Awaare oo ay kumanaan dadwayne ah iskugu yimaadeen ayaa diiradda ku saaray hormarka Puntland,nabadgalyadda iyo wax soo saarka khayraadka.
Gaas ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii shacabka Puntland ay iskugu tashan lahaayeen isla markasna ay uga faa’iidaysan lahaayeen khayraadka kala duwan ee ka buuxa dhulka Uduga oo aysan jirin cid si wanagsan uga faa’iidaystay.
Cabdiwali Cali Gaas ayaa dadka ugu baaqay inay sii xoojiyaan hormarinta dhulka iyo wax soo saarkooda maadama dadka Puntland ay ku nool yihiin dhul qani ah oo u baahan in laga faa’iidaysto.
Khudbadda uu Dr.Gaas sidoo kale waxa uu kaga hadlay nabadgalyadda Puntland wuxuna dadka ugu baaqay inay laamaha ammaanka kala shaqeeyaan sugiga iyo adkaynta amniga maadama gobaladda dalka qaarkood ay ka jiraan dagaalo xoogan oo aysan suurta gal noqon karin in looga cida sida Puntland looga wada ciiday.
Ka dhabaynta hirgalinta nidaamka dimqraadiyadda ayuu madaxwayne Gaas soo hadal qaaday wuxuna sheegay inay dadka Puntland aad u dhowrayaan sidii loo hirgalin lahaa barnaamijkaasi.
Barnaamijka Ciida sidoo kale waxa ka hadlay Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse wuxuna umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay nabadgalyadooda iyo hormarkooda ka shaqeeyaan isla markasna loo wada duceeyo inta ay dagaaladu ku habsadeen mudadii burburka lagu jiray.
Garaad Saleebaan Garaad Cali iyo Suldaan Siciid Maxamed Garsaase ayaa ka mid ahaa wax ku oolkii munaasibadda ciida ka hadlay waxayna umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyeen dabaal degadda ciida.
Garowe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com