|

Qaramada Midoobay oo Dalbatay Xabad Joojin Deg Deg ah in laga sameeyo Qasa + Israa’il oo Qiratay inay Duqaysay Dugsi Qasa ku Yaala oo Qaramada Midoobay Maamusho

Gaza 28.July 2014 (SDN/QJ)- Gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobe ayaa kulmay kuna baaqay in Qaza laga dhaqan geliyo xabad joojin deg deg ah oo aanan lagu xidhin wax shuruud ah.

gazaGollahu ammaanka waxa uu taageeray warbixin ugu baaqaysay Israa’iil iyo Xamaas in ay sameeyaan dadaalo si loo gaadho xabad joojin waarta oo suurtagelisa in gargaarka la gaadhsiiyo dadka ku dhibaataysan marinka Qaza.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa isna jeedeiyey baaq kaa la mid ah iyadoo Xamaas iyo Israa’il ay Maalinimadii axadii  sii wadeen weerarada inkastoo ay jirtay xabad joojin socon lahayd 24 saac.

140707044133_benjamin_netanyahu_624x351_afpRaisal wasaaraha Israa’il Benjamin Natinyahu oo la hadlayey Teleishenka maraykanka ee NBC ayaa sheegay in Xamaas aan Sinaba loo aamini kerin si kasta oo xabad Joojin loola galo ayuu yidhi.

In ka badan kun falastiniyiin ah oo u badan dad rayid ah ayaa ku dhintay duqeynta Israa’il, halka in ka badan 40 qof oo u badan askarta Israail ay iyaguna ku dhinteen gantaalada ay ridayaan Xamaas.

Iyadoo ay Maanta Dunnida Muslinku ay maanta u dabaal degayaan Munaasibada Ciida barakaysan ee Ciidul fidri ayaa Shucuubta reer falastiin ay u tahay Maalmo Murugo Kadib Markii ay Israa’il si ka fog Xuquuqda aadamaha ay u bartilmaameedsatay dad rayid ah oo ku dhaqan Magaalada Qasa.

Dhinaca Kale Ciidamada Israa’il ayaa Markii u horaysay qirtay in ay gantaalo ku rideen xarun iskuul ah oo dadka soo barakacay hoyi u aheyd oo ay leedahay Qaramada Midoobay oo ku taala marinka Qaza.

Waxa duqeyntaasi ku dhintay 13-qof halka dad badana ay ku dhaawacmeen maalintii khamiista aheyd.

Afhayeenka ciidamada milatariga Israa’il ayaa sheegay in baadhitaano ay sameeyeen muujiyeen in gantaal ay soo ganeen uu halkaas ugu dhacay si khalad ah,Inkasta oo uu ku dooday inaanu geysan wax dhimasha ah, Waxaanu taas u daliishaday sawira lagu qaaday setlite-ka oo sida uu xusay muujinaya in goobtaasi ay banaaneyd markii uu gantaalka ku soo dhacay.

Afhayeenka ayaa ku tilmaamay in dadka la sheegay inay ku dhinteen gantaalka xaruntaasi ku dhacay in ay yihiin dad meelo kale ku dhintay oo maydadkooda la keenay xarunta Qaramada midoobay, si kaddib dilkooda loogu eedeeyo Israa’il.

Qaramada Midoobay ayaa dalbaneysa in baadhitaan buuxo lagu sameeyo dhacdadan.

Tan iyo markii dagaalku bilowday in ka badan 1000 Falastiiniyiin ah iyo 42 Israa’iiliyiin ah oo 2 ka mid ah ay rayid ahayeen ayaa dagaalka ku dhintay.

Gaza SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed