Guddoomiyaha Waddani Oo Munaasbidda Ciiddul-fidriga Dhambaal Hambalyo ah u Diray Shacabka Somaliland
Hargeysa:July,28,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro), ayaa dhambaal Hambalyo ah u diray Guud ahaanba shacabka Somaliland Munaadibadda Ciidul-Fidriga awgeed.
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani islamarkaana ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro),oo fariinta Dhambaalkan hambalayada ah ee uu udirayo Shacbiga Reer Somaliland soo gaadhsiiyay,Shabakada Wararka Qurbejoog.com, ayaa sheegay in uu ku hambalyeynayo guud ahaanba Shacbiga Reer Somaliland, Munaasibada Ciidal-fidriga waxaanu ku bogaadiyay guud ahaanba shacbiga in ay ku ciidaan nabad iyo barwaaqo ciidan ciideedana ku gaadhaan caafimaad iyo cimri dherer niyad wanaagsan iyo Qalbi Saafiya,waxaanu ilaahay uga baryay,inuu ka aqbalo kana ajiibo ducada ay habeen iyo maalin ku ala baryayeen in uu rabi u furo albaabada janada nimco wanaagsan iyo naxariistiisa.
Ugu Dambeyntiina waxa uu Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani isla-markaana, ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland dhambaal hambalyo ah sigaar ah ugu direy Guud ahaanba taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani iyo dhamaanba Shaqaalaha iyo Xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland oo ugu baaqey in ay ciida ciideeda ku gaadhaan farxad, caafimaad iyo Cimri dherer.
SDN/QJ