Xukuumada Somaliland oo Shaacisay in Beri tahay Ciidul Fidri
Hargaysa 27.July 2014 (SDN/QJ)- Xukuumada Somaliland ayaa Caawa Daboolka ka qaaday in Isniinta barri ah, bisha July-na ay tahay 28, sannadka 2014, ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sh.Khaliil C.laahi Axmed oo Caawa Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in xog uruurin la sameeyey lagu ogaaday in bisha Soon-fureed ay dhalatay, lagana arkay deegaanno kala duwan oo gudaha iyo dibadda dalka ah.
Wasiirka ayaa Shucuubta Islaamka iyo ummadda Somalilandba ugu hambal-yeeyey Munaasibada Ciidul Fidri wuxuuna u rajeeyey in ay ku ciidaan nabadgalyo, ciiddan teeda kalena ku gaadhaan horumar iyo badhaadhe.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sh.Khaliil C.laahi Axmed Waxa uu Gabo gabadii Ilaahay ka baryay inuu inaga aqbalo acmaashii bishii barakaysnayd ee Ramadaan.
Geesta Kale laba qoraal oo ay soo kala saareen Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Dawlada ayaa lagu sheegay in Maalmaha Isniin iyo Salaasa ay Shaqaale Weynaha Somaliland fasax ka yihiin Hawlahoodii Shaqo.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com