Mo Faarax oo Ka Hadhey Ciyaarihii Barwaaqa Sooranka Sababtu Maxay Tahay? (Commonwealth Games 2014 Glasgow) By Jaahuur.
Glasgow-27-July-2014-(SDN/QJ) Asxaabtay todobaadkan iyo ciyaaraheena waxaynu ula safreynaa xagaa iyo dalka Scotland & Wales oo aay ka furmeen ciyaarihii wadamada barwaaqa sooranka (Commonwealth Games) waxaana ka soo qeybgaley 71.
Orodyahanka Mo Faarax ee labada biladood ee dahabka horey u qaatay ayaa sheegay inuu ka haray cayaaraha waddamada barwaaqo sooranka ah ee ka socda Scotland.
Arrintan ayaa ka dambaysay markii uu sheegay in uusan wali ka soo kaban xannuun dhawaan ku dhacay.
Mo farax oo ah 31 jir ayaa waxaa uu ku guulaysatay oradka ah 5,000m iyo 10,000m ciyaarihii Olympics ee lagu qabtay London sanadkii 2012.
Hadal iyo dhamaantii Mo Faarax ayaa go’aansaday inuu sii joogo goobta uu ku tababaranayo si uu ugu diyaar garoobo ciyaraha Yurub ee la qaban doono bisha Augst.
W/qorey Jaahuur
SDN/QJ
jjaahuur@qurbejoog.com