|

30-Safaaradood Oo Somalia ku Leedahay Galbeedka Afrika Oo La Ansixiyey in La Xidho

Muqdisho:July,27,2014(SDN/QJ)-Golaha Wasiirrada Dawladda Federal-ka Somalia, ayaa Kulamo ay yeesheen waxa ay iskula garteen in Albaabada loo laabo 30-Safaaradood oo somalia ku leedahay Dalalka Galbeedka Afrika.

condemn Dr. C/raxmaan Ducaale Beyleh, Wasiirka Arimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Warbaahinta la hadlay Kulankaasi kadib ayaa waxuu sheegay in Golaha Wasiirada uu horgeeyay in la xidho 30 Safaaradood Dowladda Soomaaliya ay ku leedahay Wadamada Galbeedka Afrika maadaama dhaqaalo badan ay Dowladdu ku bixiso Wadamadaasi oo wada shaqeyn fiican aanay kala dhaxeynin

 

Wasiirka Arimaha Dibadda oo hadalkiisi sii wata ayaa ugu dambeyn waxuu xusay in Golaha Wasiirada ay go’aamiyeen in Dowladda Soomaaliya ay hal Safaarad oo kaliya ay ku yeelato Wadamada Galbeedka Afrika.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed