Al-shabaabta Gacanta Dawladda Ku Jira Oo Djobouti Loo Wareejin Doono iyo Sababaha Tallaabadaas Loo Qaaday
Muqdisho:July,27,2014(SDN/QJ)-Dalka Djibouti ayaa la sheegay in dhawaanahan laga waday Dhismaha Jeel Baaxad weyn oo loogu talo galay in lagu xabiso Argagixisada Bariga Afrika oo Al-shabaab ugu horrayso, kaas oo ay maalgelisay Dawladda Dalka Japan.
Wararka Warbaahintu helayso ayaa sheegaya in Jeelkaas Dhismihiisu uu ugu horrayn codsaday Madaxweyne Xasan sheikh oo isagu doonaya in Saraakiisha Al-shabaab ka tirsan ee Gacanta xukuumadda ku jirta Loo raro, maadaama aanay xukuumaddu haysan Awood ay ku difaacdo ragas Jeelasha ku jira.
Haddaba Jeelkan ayaa la sheegaya in ragga lagu furayo ay ugu horreeyaan Sheekh Atam iyo Sheekh Xasan Daahir Aweyn oo muddo ku xidhan jeelal ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Dhanka kale, Dowlada Federaalka Somalia ayaa waxa ay iminka gacanta ku heysaa Saraakiil ka tirsanaa Alshabaab oo isugu jiro Soomaali iyo cadaan kuwaasi oo lagu hayo Xabsiyada dambi baadhista iyo Madaxtooyada loona wareejin doono kan cusub ee laga hirgaliyay Magaalada Jabuuti.
Weli go’aan lagama gaadhin waqtiga ay arrintani dhici doonto, waxaana socda dadaallo ay si wada jir ah u wadaa dowladda Somalia iyo beesha caalamka.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com