|

“350 kun oo qof ayaa u baahan gargaar” Warbixin ay Soo Saartay Hay’ada Qaramada Midoobay ee UNOCHA

Nairobi 27.July 2014 (SDN/QJ)- Qarammada Midoobay ayaa maanta sheegtay in dad ay tiradoodu ka badan tahay  350, 000, oo qof  oo ku nool magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya ay u baahan yihiin gar-gaar cuno.

Qaramada-Midoobay-300x300Warbixin uu soo saaray xafiiska isku xirka arrimaha bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay ee magaciisa loo soo gaabiyo (UNOCHA ),  ayaa lagu sheegay in sidoo kale qaar ka tirsan magaalooyinka Soomaaliya  ay ka jirto baahi dhinaca cuntada ah.

UNOCHA ayaa ku tilmaantay war bixinteeda in ay sii xumaanayso xaaladda nololeed ee dad badan oo Soomaali ah, ayna hore uga digtay dhibaatada ka dhalan karta abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.

Warbixinta UNOCHA ayaa intaas ku dartay in hay’adaha gargaarka ee ka howl gala Soomaaliya ay dabooli waayeen baahida nololeed ee dadka ku dhibaataysan Muqdisho oo u badan dad ay barakiciyeen colaaddaha iyo abaaraha ka dhacay Soomaaliya.
Digniinta ayaa ku soo beegmaysa,  seddex sanno  kadib,  markii in ka badan 250, 000  oo qof ay ku dhinteen  abaaro ku dhuftay Soomaaliya, sannadkii 2011-kii.

Nairobi SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed