|

“Madaxweynaha waxaan kala hadalnay in baaris dhab ah lagu sameeyo dilkii Rabbi ha-u-naxariisteee, Saado Cali Warsame” Sideed Wasiir oo Punt land ka Tagay oo Muqdisho ku Sugan

Muqdisho 27.July 2014 (SDN/QJ)- Wafdi ka socda Puntland oo ka kooban siddeed wasiir oo ay wehelinayaan waxgarad isla deegaannadaas kasoo jeeda ayaa kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

tacsi_saadoKulankan oo muddo socday ayaa qodobbadii looga hadlay waxaa ka mid ahaa dilkii maalmo ka hor loogu geystay Muqdisho fannaanadii Soomaaliyeed isla markaana ahayd xildhibaannada, Saado Cali Warsame; iyadoo wafdigu ay dalbadeen in baaris dhab ah lagu sameeyo dilkaas.

“Madaxweynaha waxaan kala hadalnay in baaris dhab ah lagu sameeyo dilkii Rabbi ha-u-naxariisteee, Saado Cali, Xasan Sheekhna wuxuu noo ballan-qaaday inay ku sameyn doonaan dilkaas baaris adag,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland, C/weli Xirsi Cabdulle (Garaase) oo kulanka kaddib la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in sidoo kale madaxweynaha ay kala hadleen dil labo xildhibaan oo kasoo jeeda degaannada Puntland loogu geystay Muqdisho, kuwaaas oo kala ahaa sida uu sheegay; xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd iyo Xildhibaan Feysal.

Wafdigan ayaa la ogeyn xilliga ay booashadoodu ku eg-tahay, balse booqashadan ayaa ka dambeysay kaddib markii maalmo ka hor Muqdisho lagu dilay xildhibaanad Saado Cali Warsame oo dilkeeda uu ka careysiiyay maamulka Puntland.

Ma jiro hadal kulankan ku saabsan oo weli kasoo baxay xarunta madaxtooyada dalka, iyadoo kulankan uu kusoo beegmayo xilli uu madaxweynaha Puntland uu ka dalbaday madaxda dowladda in baaris dhab ah lagu sameeyo dilka xildhibaanadda.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed