Madaxweynaha Maamulka Punt land oo Cisbitaalka Ku soo Siyaartay Askar Ku Dhaawacmay Shil Baabuur
Garowe 26.July 2014 (SDN/QJ)- Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Cisbitaalka Weyn ee Magaalada Garoowe ku booqday Dhaawaca askar katirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland oo gaari ciidan uu kula dhacay Afaafka Hore ee xarunta UN-ku ay ku lee yihiin magalada Garowe abaare 7:00 Subaxnimo.
Saddex Askari oo kamid ahaa Ciidanka Dowladda Puntland gaar ahaan kuwii uu gaarigu la dhacay ayaa shilkaasi ku dhintay halka Afar iyo Toban kalana uu ka soo gaaray dhaawacyo kala Duwan.
Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacsiyeeyay Geerida naxdinta leh ee ku timi Saddexdaasi Askari isagoona alle uga baryay in janadii Fardowsa uu ka waraabiyo Samir iyo iimaan buuxana ka siiyo eheladii,asxaabti iyo waliba shacabka Puntland.
Madaxwayne Gaas ayaa sidookale mid mid ugu booqday Cisbitaalka weyn ee Garoowe Afar iyo Tabanka askari ee dhaawacyadu ay ka soo gaaren shilkaasi dhacay,waxana uu madawaynuhu si deg deg ah amar ugu bixiyay in qaybtooda liidata ee aan dalka waxba looga qaban Karin loo qaado dalka dibadiisa si ay u helaan daryeel caafimaad oo dhamaystiran .
Garowe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com