|

Amisom Oo Sheegatay Inay Dishay Gacanyarihii Amiirka Al-shabaab

Hargeisa/SDN/QJ 26 july 2014 Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shalay  oo Jimco ahayd sheegay in waqooyiga magaalada Muqdisho ay ku dileen sarkaal muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab sidoo kalena gacan yare u ahaa dagaal-ooge Axmed Cabdi Godane.

War-qoraal ah oo ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay ninkaas oo lagu magacaabo Ciise Maxamed Dhoore uu ahaa ninka isku xira Axmed Godane iyo ajaaniibta ka barbar dagaallama Al-Shabaab.
AMISOM waxay sheegtay in nikan uu ku dhintay markii ay heleen xog ku saabsan in uu jirro shir ay lee yihiin hoggaamiyaal ka tirsan Al-Shabaab kuwasoo ku shirayay gurri ku yaalla waqooyiga Muqdisho sidda lagu sheegay qoraalka ka soo baxay AMISOM.
Dhinaca kale, war-saxaafadeedka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in duqeymo ka dhacay gobalada Gedo iyo Jubbada Dhexe lagu dilay xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab.
Waxaa kaloo AMISOM ay sheegtay in Shabaab laga qabsaday deeganka 45km u jira magaalada Baladxaawo ee goblka Gedo.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan warka AMISOM ka soo baxay ee ku aadan in la dilay sarkaal muhiim u ah Al-Shabaab

 

Hargeisa SDN/QJ
Maxamed Adan QJ
Conuct@somalidiasparonews

Comments are closed